Somali News
    Hees  

Dagaal Ciidamo kala taabacsan Dowlada iyo Ahlusuna ku dhexmaray Degmada Matabaan

Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dagaal Ciidamo kala taabacsan Dowlada iyo Ahlusuna ku dhexmaray Degmada Matabaan

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabcsan Ahlusuna iyo dowladda uu iminka ka soconayo degmada matabaan ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo uu watay Gudoomiyaha degmada Matabaan uu soo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamuud Warsame ay soo gaareen degmada, kuwaasoo gaadiid dagaal ku hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in markii Ciidamada ay soo galeen degmada isaga baxeen Ciidamadii Ahlusuna ee ku sugnaa degmadaas, waxaana gurmad uga yimid dhanka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay dib u soo galeen degmada Matabaan, halkaasna ay ka bilaabatay rasaas.

Dagaalka ayaa hada ka socda gudaha degmada, iyadoo uu muuqdo mid labada dhinac aysan waxba isula harin, maadaama ay ka qeyb qaadanayaan gaadiidka dagaalka.

Degmada Matabaan ayaa ka tirsan Gobolka Hiiraan, hase ahaatee waxaa laga maamulayay Gobolka Galgaduud oo xarun u ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)