|
Messi oo 3 ley ka dhaliyay Raja Casablanca oo ka dhisan Dalka Marocco.,iyo Garbihiisii oo Xalay Fasax kaga maqnaa Kulankaasi.....
Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Messi oo 3 ley ka dhaliyay Raja Casablanca oo ka dhisan Dalka Marocco.,iyo Garbihiisii oo Xalay Fasax kaga maqnaa Kulankaasi.....
Naadiga Barcelona ee ka dhisan Dalka Isbeyn ayaa xalay Kulan Saaxiibtinimo la Yeeshay Kooxda Reer Marocco ee Raja Casablanca oo ka mida Kooxaha ka dhisan Dalka Marocco.
Naadiga Barcelona oo Ciyaartaan si weyn u Gacan sareysay ayaa Bandhiga Goolasheeda waxaa u daahfuray Weeraryahanka Dalka Chile Sanchez Daqiiqadii 13,waxaana u Raaciyay Goolkii 2 iyo3 daqiiqadihii 34 iyo 38 aad Xidiga Reer Arjantiin Messi.Daqiiqadii 41 waxaa labeysay Sanchez,hase ahaatee daqiiqadii 45 waxaa sadexley ka dhigay Goolashiisa Messi 10ka Barcelona.
Kooxda Martida loo ahaa ee Raja Casablanca oo i sweyday waxaa qeybtii Danbe Goolkii 6 oo Rigoore ahaa ka dhaliyay Difaacyahanka Reer Brazil Dani Alves,Halka Goolkii 7 iyo 8 ay ka kala dhaliyeen dhamadkii Ciyaarta daqiiqadii 87 iyo 89 Ciyaaryahanada kala ah Sergi Gomez iyo Gerard Deulofeu waxaana Ciyaartii ay ku soo idlaatay Barcelina oo Casablanca ku Dubatay 8-0.
Kooxda Barcelona waxaa Kulankii Xalay Ka maqnaa Xidigahedii Naadiga ugu Jiray Xulka Qaranka Isbeyn ee ku Guuleystay Euro 2012.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|