Somali News
    Hees  

Faafaahin ka soo baxeysaa Duqeyn Maanta loo geystay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo

Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Faafaahin ka soo baxeysaa Duqeyn Maanta loo geystay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in galinkii hore ee maanta Kooxo hubeysan oo aan la ogeyn cida ay ka amar qaateen ay Qoriga Lida Diyaaradaha ku soo duqeyeen Garoonka Gaalkacyo Xili ay ka duuleysa diyaar qaadeysay dad Rakaab.

Garoonka oo ku yaala Dhinaca Waqooyi Gaalkacyo ee Qeybta Puntland Maareeyaha Garoonk diyaaradaha Saciid Dhagaweyne oo saxaafadda la hadlay duqeyntan kaddib ayaa sheegay in duqeyntu ay dhacday xiilli ay si caadi ah u socdeen howlihii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo taas oo uu ku tilmamay in ay hakad galisay howlahii garoonku uu u hayay dadka Soomaaliyeed.

"Madaafiicda qoriga P10-ka loo yaqaan iyo rasaasta lidka diyaaradaha ayaa maanta kusoo dhacay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxayna nooga imaanayeen dhinaca dhinaca Koonfurta ee Gaalkacyo," ayuu yiri maareeyaha garoonka.

Siciid Dhegaweyne ma uusan sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in garoonka diyaradaha ee Gaalkacyo la weeraro maanta, isagoo sheegay in dhowr jeer oo hore sidan oo kale loo weeraray garoonka xilli ay socdaan howlaha garoonka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga ay madaafiicda iyo rasaastu ku dhacaysay garoonka ay ka duulaysay diyaarad rakaab sidday, waxayna duushay iyadoo ay weli dhacayaan madaafiicda, iyadoo dadkii ehellada la ahaa dadkii diyaaraddu sidday ay aad u walwaleen.

Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan madaafiicda lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkcyo oo la sheegay in laga tuurtay Koonfurta Gaalkacyo oo u maamulkoodu ka taliyo.

Duqeynta kaddib ayaa waxaa cadi kusoo laabtay howlihii garoonka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale dhacday, inkastoo aanay jirin cid xal kama dambeys ah ka gaartay madaafiicda lagu weeraro garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)