Somali News
    Hees  

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta gaaray Degmada Matabaan Odayaal iyo Waxgarad kasoo Jeedana kulan la qaatay

Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta gaaray Degmada Matabaan Odayaal iyo Waxgarad kasoo Jeedana kulan la qaatay

Guddoomiyaha maamulka Dowlada ee Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa maanta gaaray degmada Matabaan

Guddoomiyaha oo hore u sii kaxeystay Tiro ka mid ah Gaadiidka isla markaana ay wehlinaayeen ciidamada Ethoipia ayaa socdaalkooda waxaa ku sii wehliyay guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan Max'ed Warsame Xirsi.

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in siweyn loogu soo dhaweeyay degmada mas’uuliyiinta uu horkacayay guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Waxaa uu intaa ku darray in odayaasha degmada Matabaan iyo Guddoomiyaha Gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ka wada hadlleen arrimaha nabad-galyada, gaar ahaan iskaashi laga sameeyo sidii Gobollka intiisa kale dib loogu soo celin lahaa gacanta maamulka dowladda KMG.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Max’ed Warsame Xirsi oo safarkooda maanta ka warbixiyay ayaa sheegay in uu si nabad ah ku tagay halkaa, wixii hadda ka danbeeyna uu ka shaqeyn doono howlaha loo soo xilsaaray.

Mar ay Warbaahinta wax ka weydiisay wararka sheegaya in iska horimaad uu ka dhacay gudaha degmada, waxaa uu sheegay in wax dagaal ah uusan dhicin, laakiin ay maqlayeen rasaas meelaha qaar ay ka ridayeen koox doonayay in ay wax arbushaan, kuwaasoo sida uu hadalka u dhigay markiiba ay ka hortageen dadka degmada.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobollka ayaa sheegay in guud ahaan Gobollka lagu balaarin doono maamulka dowladda KMG, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan u gaari doonan sida ay hadalka u dhigeen degmooyinka wali ku harsan gacanta Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)