|
Xil wareejin Guddiga Jaaliyadda Africas Horn Kultur Center
Örebro Axad 29 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xil wareejin Guddiga Jaaliyadda Africas Horn Kultur Center.
Xaflad lagu maamusay xil wareejinta Guddigi hore iyo kan cusub ee Jaaliyadda Africas Horn
ayaa ka dhacday Xarunta Jaaliyadda Magaalada Orebro ee Dalkan Sweden.
Xaflada oo ay ka soo qeyb galeen labada guddi ee xila la kala wareegayay iyo marti sharaf ayaa
si rasmi ah xilka ula kala wareegay.
Guddomiyaha Guddigi hore Xarbi Caamir oo xilka soo hayay laba sano ayaa dul maray wax yaabihi u hir galay muddadi uu xilka hayay,wuxuuna u mahad celiyay xubnihi la soo shaqeyay,wuxuuna ku soo dhaweyay Guddomiyaha cusub Mahdi Warsame ayaa qiray inuu Xarbi howl adag soo qabtay dul qaad iyo niyad wanaagna ku howl galay,una mahad celiyay.
Mudane Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ballan qaaday masuuliyadda uu qaaday inuu uga
soo bixi doono sida ugu wanaagsan dadaal badana la iman doono.
Xildhibaan Yuusuf Cabdo oo isna madasha shirka ka hadlay ayaa u hambalyeyay Guddiga cusub kii horana ku amaanay wax qabakodi howsha in meesheda laga sii wadana kula dardaarmay
Guddiga cusub.
1.Mahdi Warsame Guddomiye
2.Xaliima Cali Siyaad Gudd.ku xigeen
3.Osman Cali_Osmaney_ Xubin
4.C/qadir Xuseen kadinle Xubin
5.Maxamad Cawil Xubin
6.Muna Siid Cali Xubin
7.Farxaan Maxamad Xubin
8.Xarbi Caamir Xubin
9.Cabdulqaadir Shariif Xubi
10.Raxma Baashi Xubin
11.Cabulqadir Jimcaale Xubin
Munaasaba waxa goob joog ka ahaa Guddiga Haweenka, Guddiga Hanti dhowrka,Guddiga
Dhalinyarada iyo Khabiir Muxiddin Cabdi Axmad Muyo.














Waxaa diyaariyay
Hassan Osman
Orebro
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|