Somali News
    Hees  

Madaxweyne Sheekh Shariif oo xariga ka jaray Maxjarka Jaziira iyo ganacsatada oo loogu baaqay inay ka faa’iideystaan Kheyraadka dalka

Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo xariga ka jaray Maxjarka Jaziira iyo ganacsatada oo loogu baaqay inay ka faa’iideystaan Kheyraadka dalka

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay xarigga ka jara Maxjar cusub ayaa ugu baaqay ganacstada Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan soo nooleynta kobaca dhaqaale ee dalka.

Si loo soo nooleeyo dhaqaalaha dalka ayuu madaxweynaha ugu baaqay ganacsatada Soomaalaiyeed inay ka faa’iideystaan qeyraadka dabiiciga ah ee aynu loeenahay isla markaana ay maalgashadaan.

Isaga sii wata hadalkiisa ayaa waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in 21-kii sano ee lasoo dhaafay uu hoos u dhacay qeyraadka Soomaaliya sida Beeraha, Kaluumeysiga iyo xoolaha nool kuwaasi oo uu sheegay in uu ku tiirsanaa dalka Soomaaliya.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii dalka,iyadoo meesha ay ka baxday adeegyadii dowladigga ahaa ee dadka Soomaaliyeed ay ku soo saaranjireen dhaqaalaha.

Dhinaca kale Furitaanka Maxjarkaan cusub ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo sheegay inay la shaqeynayaan ganacsatada iyo cid kasta oo doonaysa inay maalgashi ku samaysato deegaanada uu maamulkooda ka taliyo.














Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)