|
Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Magaalada Garisa ka dhacay oo sii kordhaya
Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Magaalada Garisa ka dhacay oo sii kordhaya
Saraakiil Kenyaan ah ayaa xalay u sheegay warbaahinta inuu kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyin oo shalaylagu qaaday kaniisado ku yaala magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalkaasi Kenya.
Inta haatan la xaqiijiyay geerida ayaa maraysa in ku dhaw 20 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 kale oo ka mid ahaa dadkii ku jiray kaniisadaha maanta la weeraray.
Qof ka mid ah howl wadeenada caafimaadka magaalada Gaarisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inuu indhihiisa ku arkay geerida 17 ruux oo ku naf waayay labada qarax iyo dhaawaca kontomeeyo kale oo goobaha caafimaadka la geeyay kuwaasoo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay sida uu sheegay.
Dad ku geeriyoday waxaa ku jira 2 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada booliska magaalada Gaarisa sida ay sheegeen saraakiil booliska Kenya u hadlay oo u waramay warbaahinta dalkaasi Kenya.
Taliye ku xigeenka ciidamada booliska gobolka waqoyi bari Philip Ndolo ayaa sheegay in labada qarax oo is xig xigay ay fuliyeen dad uu ku sheegay in la tuhunsan yahay inay Shabab ka tirsan yihiin oo wajiyada soo qarsaday.
Warbaahinta Kenya ayaa caawa qoraysa in weeraradaasi dhiiga badan ku daatay ay ka dambeeyaan dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya kula dagaalamaya ciidamo ay dawlada Kenya Soomaaliya u soo dirtay inkastoo Shababku si rasmi ah u sheegan mas’uuliyadda weeraradaasi.
Waxay ka mid noqonayaan weeraro dhawr ah oo badankood sidaan oo kale loo adeegsaday bambaanooyin oo dalkaasi ka dhacay kuwaasoo mas’uliyadooda Xarakadda Al-Shabab sheegatay.
Maalin ka hor dablay hubeysan ayaa xerada qaxootiga ee Dhadhaab ka qafaashay 4 ruux oo u shaqeynayay hay’ad samafal oo Norway laga leeyahay waxaana la aaminsanyahay in shaqaalahaasi dhanka Soomaaliya lala soo galay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|