Somali News
    Hees  

Shirweynihii Walaalaha Banaadir oo Sweden ka dhacay. "War-Saxaafadeed + Sawiro"

Katarineholm Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shirweynihii Walaalaha Banaadir oo Sweden ka dhacay. "War-Saxaafadeed + Sawiro"

Waxaa Maanta Magaaladda Katrineholm ee dalka Sweden ka furmay Shirkii Qurbajoogta Walaalaha Banaadir, shirkaas waxaa ka qeyb galaaya Ergooyin ka kale socda Qurbajoogta Walaalaha Banaadir ee Guud ahaan Caalamka gaar ahaan Yurub, Aasiya ,Afrika.

Waxaa shirka Lagu furay aayadaha Quraanka kariimka oo ay akhriyeen Culumadda kale ah.

1.Col Sheekh Omar.

2.Sheekh Omar Sheekh Abukar Mocalin.

Kadib waxaa loo gudbay Ajeendada Shirweynaha oo ah -

Midnimada QurbaJoogta Walaalaha banaadir iyo sidii loo heli lahaa Hoggaan Mideysan ee Qurbajoogta Walaalaha Banaadir ee Qaaradda Yurub.

Qiimeynta Wax Qabadka Qurbajoogta Walaalah Banaadir 20kii sano ee la soo dhaafay.

Dhiirigelinta iyo Xushmeynta Shaqsiyaadka ka tirsan Qurbajoogta walaalaha Banaadir ee sameeyey wax qabad gaarsiin in lagu xusuusan karo.

Ugu Horeyntii Waxaa halkaas khudbad Soo Dhaweyn Iyo Mahadnaq isugu jirto ka jeediyay Guddoomiyaha Qurbojoogtada W. B. ee Katrineholm Md. Macow Xuseen Xasan . waxuu ku soo dhoweeyey ka qeybgalayaasha una sheegay in ay joogi karaan shirkooda intii ay doonaayaan. ayna u diyaariyeen wax walbo oo shirka u baahanyahay.

Waxaa ka dib hadalkii qaatay Dr xasan Maxamed Xaaji Duusoos. oo ah qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda oo lagu casuumay shirkaas ayaa sheegay in Muhimadda shirka qurbo joogta ay tahay sidii loo gaari lahaa Aayaha Iyo mustaqbalka Walaalaha Sidii loo hurumarin lahaa Walaalaha Banaadir iyo Sidii Walaalaha Banaadir wax ula qeybsan lahaayeen Soomaalida kale.

Shirka Cidna duulaan kuma aha ee Shirka waxuu yahay Kaabadii isku xiri lahayd Walaalaha iyo Soomaaliya inteeda kale.

Shirka waxuu ku soo beegmay iyadoo dalka Ku jira Xilli kale guur ah loona baahan yahay sidaas darteed maadaama walaaha yihiin Gogashii Soomaaliyeed in u sare istaagaan sidii loo heli lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay . looga bixi lahaa Ku-Meel Gaarka.

Duqii hore ee magaalada Mogadishu Cabdullaahi Muuse Xuseen oo ahaa Guddoomoyihii Guddiga Qabanqaabadda Shirweynaha ayaa u Daah furey qodobadda Ajendayaasha Shirka ee horyaal ka qeybgalayaasha iyo hadafka iyo ujeedda shirka loo qabtay.

Cabdullaahi Muuse Xuseen waxuu ku nuuxnuuxsaday taariikhda iyo Xadaarada Walaalahu Banaadir ay leeyihiin iyo sida baahi loogi qabo in la qoro si jiilka soo koraayo dhaxal ugu noqoto.. Cabdullaahi Muuse Xuseen waxa uu Sheegay in dadka ku nool Banaadir aysan Caadil ashayn Balse Carada ay Caadil tahay sida uu sheegay Caaqil Xasan Geedi Abtoow oo Yiri Dadka Caadil ma ahaa ee caradan ayaa Caadil ah , Maxaa aYeelaay caradan waxa ay julan satay shan ( 5 ) k oo kala ah,/=

1:  Caradan Waa Keento
2:  Hadana waa Koriso
3:  Kobciso
4:  Kibriso
5:  Kufiso.

Qofkii ku kora,ku Kobca,hadana Ku Kibra waxaa u dambayn Kufid.

Duqii hbore ee Magaalada Muqadisho waxa uu ku nuuxnuuxsaday ka sheekeenta Shaqsiyaadkii ka\raamada ku lahaa Dalkooda ee wax badan u qabtay dadkooda Soomaaliyeed ee ku caan baxay sida Shaqsiyaadkii naftooda u huray Dhowridda Sharafkooda iyo HantidoodaKuwa ku Ca\an baxay samafalidda,kuwa ku caan baxay Geesinimada, waxaaana tusaale loo soo qaatay.

Reer Cambuure.
Reer Cumar Istarliin
Maamma Xakiimo Nuur
Korneel Baarqab

Dadka aan kor ku soo sheegnay oo dhammaantood qabtay hawlo loo aayey ayaa waxaa shirweynaha isla gartay in la siiyo Aqoonsi Sharafeed ay ku Mutaysteen wanaaggii ay u qabateen Ummadda Soomaaliyeed.

Habsami u socodka iyo xiriirinta shirka waxaa gacanta ku haayey Mudane Nuur Cali Gacal (Gaadle) oo ka mid ah shaqsiyaadka sida gaarka iskuugu howlay inuu qabsoomo shirweynahaan isla markaana si wanaagsan u maareeyey shirka,.sidoo kalenen u sheegay qurbajoogta walaalaha Banaadir inay dadkooda iyo dalkooda horimariyaan. loona baahan yahy in mar kasta loo istaagno danta umadeena.

Waxaa shirka hadal Cilmiyaysan ka jeediyay Dr Maxamed Xasan Maaday oo khudbad watato sawiro,diyaagaram iyo tusaalooyin kale oo ku xaqiijinaayo sooyaalka taariikhda walaalaha banaadir iyo sida ugu hoboon ee loo ilaalinkaro Taariikhdaas.

Shirkaas Waxaa kaloo hadal ka jeediyay Dr Yusuf Maxamed Biitay shirka soo hordhigay Istatijiyadda mustaqbalkaee walaalaha banaadir ee qurbojoogto, waxuuna uga digey in ka qeybgalayaasha in laga sugaayo in ay ka taliyaan mustaqbalka Caruurtooda iyo aayaha mustaqbalka ee walaalaha looga fadhiyo inay goaamiyeen.

Guddoomoyaha Xisbiga Dimoqoraadiga Banaadir Dr , Abukar Nur Xuseen oo ka yimid DalkaTalyaaniga ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay hadafka iyo ujeedooyinka Xisbigiisa iyo yoolka uu hiigsanaayo.

Guddoomoyaha waxuu xisbigiisa aaminsanyahay in arrinta gobalka babaadir in maqaamka ay yeelanayso loo wajaho in wax ka diyaariyeen Guddi ka sacdo Dowladda iyo guddi ka sacdo dadka deegaanka si ay u noqoto magaaladda Mogadishu mid si furan loogu wada noolaado lagun taixgiliyo dadka deegaankalagunadhowra xuquuqdooda.

Omar tay oo hogaaminaayay ergadda ka socotay dalka Ingiriiska ayaa Sheegay in marxalaada kale guurka loo baahanyahay in si fiican loo wajaho laganadhabeeyo ujeedooyinka walaalaha banaadir. waxuu kaloo warbixin dheer kabixiyay booqashadii uu ku tagay magaalada mogadishu iyowaxii uu kale kulmay.

Abdirisaaq Hassan Koofi oo Norweyn ka sacday ayaa ergooyinka kacodsay in ay shirka qurbojoogto noqodo mid sanad le ah oo sannad walbona dal martigiliyo. balanaqaaday in shirka xigga ay martigilinaayaan qurbojoogta Walaalaha Banaadir ee Norwey.

Md. Omar Nuur oo ka Socday Jaaliyadda Goteborg ayaa ka Qeybgalayaasha kula dardaarmay in ay mustaqbalka walaalaha uu maanta horyaaliin shirka oo ay indhaha ku wada hayaan Walaalaha Banaadir meel walbo oo ay Joogaan.

Maama Faadumo Dhicisoow oo ah maamo aad u firifricoon ayaa shirka ugu baaqday in wax fiican oo warqado ku qoran iyo soo jeedin la sheegay laakin aan u baahanay in waxaas oo dhan loo rogo Ficil iyo waxqabad.

Cali Ahmed oo loo yaqaan Ali Mahdi ayaa hadal dhiri gilin iyo guubaao isugu jira ka jeediyay halkaas waxuuna soojeetay in sacab lagu taageero hadfalkiisa xiisaha badnaa.

Waxaa kale oo ka hadlay Baashi Dermoole oo ku hadlayay magaca jaaliyada Netherland oo uu wakiilka ah waxuuna yiri hadalo dhiirigili iyo gubabo iskuugu jira , waxuuna qirey in walaalaha Reer Netherland ay diyaar la yihiin wax kasta oo looga baahdo .

Mushuraxa Madaxtinimadda Soomaaliya Yaasiin Maaxi Mocalim , oo ah xildhibaan laga soo doorto halka shirka lagu qabtay ee katareniholm ee dalka sweden ayaa walaalaha ka codsaday in ay taageeaan Mushaxnimadiisa .

Wuxuu Sheegay in uu u taagan yahay doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya. waxuu si qoto dheer ugu warbixiyay taariikhda iyo halgankiiuu u soo galay waxu qabashadadalka iyodadka.

Guddoomoyaha Xisbiga Dimoqoraadiga Banaadir Dr , Abukar Nur Hussein ayaa waxaa casho sharaf oo uu sameeyey dhamaan Ergadii ka soo qeyb gashay shirkii Qurbajoogta walaalah Banaadir ee lagu qabatay magaalada Katrineholm.

Shirka inta uu Socday waxa Telefanka ku soSoo Taageeray Ergooyinka oo Codkooda laga Dhegaystay Shirweynaha Jaaliyadaha Walaalaha Banaadir ee dalalka Yurub ee ka soo qeyb geliwaayey Arimo farsamo Darteed Jaaliyadahaaso oo kala ahaa/=

Jaaliyadda Walaalaha Banaadir ee Denmark
Jaaliyadda Walaalaha Banaadir ee Finland 
Jaaliyadda Walaalaha Banaadir ee Fransa .
Jaaliyadda Walaalaha Banaadir ee Swizerland
Jaaliyadda Walaalaha Banaadir ee Jarmalka

Sidoo kale waxaa Talefan ku soo taageeray Shirweynaha Jaaliyada Walaalaha banaadir ee Bariga iyo Koofurta Afrika.

Yaboohii Masjidka Shekh AbuukarMaccalin

Yaboohii Musharaxa madaxweynaha Md. Yaasiin maaxi

Quudinta iyo Afurinta Masaakinta Bisha Ramadaan

Qabanqada Hogaanka Quurbajoogta Walaalaha banaadir ee Yurub.
































Shirkaan waxaa fududeeyey Ururada kala ah
Ururka samafalka Soomaalida Waqooyiga Yurub
Banadir Idrott Klubb iyo Somaliska Institute Demokratiskt för Alternativ.

Shirkaa wxaa lagu qabatay magaalda katrineholm e dalka Sweden.

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)