Somali News
    Hees  

K/AFRIKA : Soomaali Lagu Weeraray Budad & Baangado (Warbixin)

Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

K/AFRIKA : Soomaali Lagu Weeraray Budad & Baangado (Warbixin)

Cape Town - 24-kii saac ee ugu dambaysay waxaa dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawacba leh si isdaba joog ah loogu gaystay Muwaadiniin Soomaaliyeed Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo aanay jirin cid dabagal ku samaynaysa tacadiyadani ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee lagu hayo Soomaalida Koonfur Afrika.

Retreat, oo ah deegaan inta badan aan looga baran dhibaateynta dadka ajinabiga ah gaar ahaan Soomaalida, ayaa waxaa xalay kooxo Toorey ku hubaysan ay ku dileen Maxamed Xuseen Hadaaf (Maxamed Ceyr) xilli uu sii galayey Dukaan uu halkaasi ku lahaa, waxaana kooxaha falkaasi gaystay iska caabiyey Soomaali kale oo gudaha dukaanka kasoo baxay iyagoo biro gacan qabsi ah iyo dhalooyin (qarsho) kala hortagay dhagar-qabayaashaasi.

Kooxo ku hubaysan Budad iyo Baangado, ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay weerar lama filaan ah ku galeen Guri ay deganaayeen dhallinyaro Soomaali ah oo ku yaalla Xaafadda Valhalaperg ee Cape Town, waxaana halkaasi sida ay goobjoogayaashu sheegayaan dhaawacyo culus oo jabniin iyo daqar ah loogu gaystay Afar dhallinyaro ah oo magacyadooda lagusoo koobay Shiraaye, Faantoole, Cawleey iyo C/kariin.

"Hal mar ayaanu ka warhalnay Sodomeeyo ruux oo budad iyo baangado sita oo gudaha guriga ku xoomay, derbiga ayey ka boodeen Soomaalidii qaar ka mid ah halkaasi deganeyd, waxay boobeen ama ay dhaceen wax walba oo ay fursad u heli kareen, mana la oga ujeedada ka dambaysa weerarkani abaabulan" sidaana waxaa khatka telefoonka noogu sheegay David Easley oo ka mid ah dadka deegaanka Valhalaperg oo lasoo xariiray xafiiska warqabadka Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJASA.

Isla dhacdo taasi la mid ahna ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay deegaanka Delf oo ka mid ah tuulooyinka ugu khatarta badan Gobalka Western Cape.

Dhaawacyada muwaadiniintani Soomaaliyeed, ayaa iminka lagu dabiibayaa isbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay, waxaana tacadiyadani aad uga xumaaday qaar ka mid ah Shucuubta Koonfur Afrika, waxaana sidoo kale cajiib ah in kaalintii laga rabay aanay kasoo bixin Ciidamada Booliska ee loo carbiyey badbaadinta Shacabka.

C/raxmaan Muumin (Codeey)
FG: Warkani waxaa idiin soo gudbiyey bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ee K/Afrika (SOJASA)
Email: sojasa@live.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)