|
Munaasabad lagu xusaayay 1-da Luulyo oo uu soo qabaqaabiyay Xisbiga Dadka oo Muqdisho ka dhacday
Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Munaasabad lagu xusaayay 1-da Luulyo oo uu soo qabaqaabiyay Xisbiga Dadka oo Muqdisho ka dhacday.
Kulankaa oo ahaa mid aad u balaaran islamara ahaantaani ay isugu yimaadeeen Boqolaal shacab ah oo ka kala yimid qeybha kala duwan ee xaafadaha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayna ka soo qeyb galeen madax iyo siyaasiyiin, culumaudiin, dhalinyaro, haween iyo Tageerayaasha xisbiga dadka uuna soo abaabulay gudoomiyaha xisbiga dadka ahna musharax u taagan jagada xilka madaxweynenimo ee dalka sheegayna inuu ka qeybgalayo tartanka bisha Agosto lagu wado in ay dalka ka dhacdo iyo waliba fanaaniinta kooxda onkod looguna dabaal dagayay 52 sano guuradii ka soo wareegtay 1-da luulyo taas oo ah maalintii Koofurta Soomaaliya ay Xurnimadeeda ka qaadatay wadanka Taliyaaniga iyo Midowgii labada gobol ee waqooyiga iyo Koonfurta Somaaliya ayaa waxa ay ka dhacaday Gudaha magaalada Muqdisho.
Goobta lagu qabtay munaasibada xuska 1da July ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu taageerayey gudoomiyaha xisbiga dadka ay ruxayeen taageerayaashiisu sawiro iyo boorar lagu taageerayo musharaxa Prof saciid ciise Maxamuud oo u taagan hanashada xilka madaxweynenimo ee dalka Somaliya Sida xisbiga dadku waa barbaariyaha ubadka somaliyeed
Waxaan u baahan nahay doorasho cadaalad ah nabad,madaale karti iyo aqoon leh dadka iyo dalkana wax u qaban kara Xisbigu waa danta iyo awooda dalka, Prof Saciid Ciise Maxamuud waa macalin jaamac ka dhiga dalka mareykanka qalin sita oo aan qori wadan, waana dagaal diid cadaalada jecel.
Munaasibadaan 52 sano guuradii 1 luulyo ee ku asteeysan xiligii koofurta Somaaliy ay ka xoreeyday gumaystaha talyaaniga iyo israacii lada gobo ee waqooyiga iyo koofurta Somaliya oo lagu tilmaami karo inuu yahay midkii ugu balaraanaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho mudo ka badan 20 sano ayaa waxaa buux dhaafiyay Boqolaal dad ah oo wajiyadooda laga dareemayo faraxad aad u balaaran islamarkaana xirin dhar u badan hidaha iyo dhaqanka somaalida lulayana calanka soomaaliya.
Sidoo kale kooxda fanaaniinta onkod iyo fanaaniin ayaa waxa ay iyana goobta ku soo bandhigeen heeso wadani ah oo dadka xasuusinayay taariikhdii hore ee dalka iyo wiliba ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.
Musharaxa xilka Madaxweyne ahna gudoomiyaha xisbiga dadka Prof saciid Ciise Maxamuud oo hadal dheer u jeediyay dadkii munaasabadni xuska ah ka soo qeyb galay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadba isagoona tilmaamay in dalku uu baahan yahay isbedel siyaasadeed.
Prof ka ayaa xusay taariikhdii gobonima doonka iyo halgamadii uu dalku soo maray wuxuuna hadalkiisa ku darey in 13 dhalinyaro ah ay xuriyada dalka aasaas u ahaayeen kuwaas oo uu sheegay in aanay laheyn dhaqaale balse shacabka somaliyeed u tilmamay hadafka iyo ujeedada waxaana laga dhaxlay gobonimo sharaf leh iyo calanka dalka.
Hogamiyaha xisbiga dadka ayaa ku eedeeyey musibadii dalka iyo dadka ku dhacday in ay masuuliyadiisa qaadayaan maamuladii dalka soo maray iyo wadamada dariska ah iyo wadamada shisheeye ee somaliya danaha gaarka ah ka leh waxayna dhaxalsiisay masuuliyiintii hore inay sameysan waayaan xiriir fiican bulshada caalamka.
Saciid ciise ayaa shegay in gabonimadii ka dib bulshada somaliyeed la soo gudboonaadeen tacadiyo aan la soo koobi Karin.
Madaxweyne Mustaqbalka Prof saciid ciise Maxamuud ayaa sheegay in 12 kii sano ee ugu danbeyey xaalada dalka somaliya in ay magan u noqdeen maamul KMG ah ayna hogaaminayaa masuuliyiin qasadkoodu yahay in ay boobaan hantida guud ee shacabka in ay boobaan ,waana kuwaas kuwa ugu daran ee umadda rajo beelka ku sameeyey ayuu yiri Madaxweyne Mustaqbalka wuxuuna ugu baaqa shacabka somaliyeed in aysan marnaba ka niyad jabin xaalada ay marayaan.
“Shacabka reer Somaliland waxaan leenahay anagu hadaan nahay reer koofureedka kala gou waana nagu dhib waxaana rajeynayaa hadaan wada hadal yeelanyo in aan iskaashigii dib u hwolgalin doono waana in Somaliland iyo somaliya xalkodu yaal Muqdisho iyo hargeysa “.
“Waxaan manta ku jirnaa waqtigii ugu xumaamarna ayaan laga rajo dhigin xuruiyadii aabayaasheen u dhinteen loona daadiyaday dhiigaga geesiyiintii soo halgamay “
“Umadda Somaliyeed waa in ay sameysaa iskaashi kana hortagaan qaboolka eexda iyo in ay iska kaashadaannsidii shaqsiyadkii umada baabiyey kuna qeybqaatay maamuladii dalka soo maray aysan dib ugu soo noqon maamulka dalku yeelan doono" Shacabka ayuu u rajeeyey in bisha soo socoto ay helaan dorasahda ka dib madaxweyne caadil ah .
Munaasabada loogu dabaal degay 52 sano guuradii ka soo wareegtay markii Soomaaliya ka xoroowday gumeystihii Taliyaaniga iyo midowgii labada Gobol ayaa ah mid iminka ku soo beegmaysa xili ay wada hadlo hordhac ah yeesheen dowlada kmgs iyo somalilanad taa oo rajo wanaagasan laga muujinayo.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|