Somali News
    Hees  

Somalida ku nool Dalka Fransiiska gaar ahaan magaala 2-aad si aan horay loo arag u xusay maalint xornimadda

Paris Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Somalida ku nool Dalka Fransiiska gaar ahaan magaala 2-aad si aan horay loo arag u xusay maalint xornimadda

Iaydoo shalay ay aheyd maalintii xuriyadda goboladda koonfureed ee soomaaliya iyo israacii 2-da gobol ayaa waxaa aduunka meel kasto oo ay soomaalidu ku nooshay looga dabaal dagay weyneynta maalinta 1'da luuliyo

Meelaha sida weyn looga xusay ayaa waxaa kamid ah dalka Faransiiska gaar ahaan caasiamdda 2-aad ee magaalada Leyoon oo ay soomaalidu kusoo bandhigeen munaasab si hees sare ah loo abaabulay islamarkaana ay ka qeebgaleen tira dhowr ah oo aan soomaali aheyn

ururka hormarinta soomaalida dalkaasi franca oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano ABSF oo iyagu soo qabanqaabiyay xafladda ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay weyneenta maalinta qaranimadda soomaaliya iyadoo xubnihii soo abaabulayka xafladdda ay kamid ahaayeen Dr Abdulwahab yusuf sheikh, Dr Dahir, Suleeqo, Abdirahim, Liban, Aziza, Maryan, kaltum, Ibrahim

intii ay socotay xafladda yaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed waxaana ugu danbeeyn ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed iyadoo ay dadka ka qeebgalay ay ka muuqatay muhiimadda maalinta xuriyadda.









Eng Abdibari Hussein

Mukhtar Moh'ed Yusuf 
mmshiiq@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)