Somali News
    Hees  

Xafladda 1-da Luuliyo ee magaalada Gothenburg

Gothenburg Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Xafladda 1-da Luuliyo ee magaalada Gothenburg

Xaflada si heer sare loo soo qabanqaabiyay oo ku saabsan dabaaldeegga xuska sanadguurada 52 ee madaxbanaanida gobollada koonfureed iyo midowga Somaaliya ayaa lagu qabtay hoolka wayn Volviahallen ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden maalinta sabtida 30-ka june 2012.

Xafladda waxaa lagu furay ayaado quràan ah. Kadibna heesta astaanta calanka soomaaliya ayaa la saaray oo dadka oo dhan u wada istaageen.

Waxaa Baraambur iyo gabayo wadani ah qaaday Sacdiyo Soomali, Abwaan Hurfe, Caasha Cuud, Hussein Adde, Safiya Foodcadde , Farhiya Tifow iyo Saadiq Seyga.

Marti sharafta qudbada ka jeedisay goobta waxaa ka mid aha Mudane Jaamac Ali Jamac oo ah Musharrax u tartamaayo Madaxwynenimo ee dalka Soomaaliya. Mudane Jaamac wuxuu warbixin dheer ka bixiyay xilligii gobanima doonka Soomaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee wadanka soo maray.

Waxaa isana goobta ka hadlay Macallin Ismail Ali Abdulle oo ku guubaayiyay Soomalida qurbaha deggan in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka, gaar ahaan in la taakuleeyo ciidamadda dawladda Somaaliya.

Waxaa dhinaca haweeynka u hadlay Shamso Dahir oo ka hadashay midnimada iyo wadajirka Soomalida.

Xafladaasi oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Jaaliyadaha ka tirsan magaalada Gothenburg.

Xiriiriyaha barnaamijka waxaa si wanaagsan u daadihinaysay Wariye Anfac Caddow oo ka tirsan bahda Somaliwayn tv. Bahda warbaahinta waxaa ka mid ahaa Hussein Abdi Alasow oo ah soo saaraha Somaliwayn tv. Hussein Alasow waa madaale had iyo jeer u taagan hawlaha hurumarinta bulshada Somaaliyeed dhinaca saxaafadda..

Ugu dambayn waxaa mahad gaar ah loo celiyay Ibrahim Qalinle, Abdullahi Jawhar, Ahmed Arabey iyo Adam Oor oo dhammaantood sii Soomaalinimo ah soo qaban qaabiyay xafladda sanad guurada 52ad oo qiimaha leh.














































Soo diyaariyay:
Anfac Caddow
Somaliwayn TV Göteborg/Sweden

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)