|
Danjire David Shean: "Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxay
meesha ka saarayaan is-faham daro mudada dheer jirtay"
Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Danjire David Shean: "Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxay
meesha ka saarayaan is-faham daro mudada dheer jirtay"
Danjirihii Mareykanka ee dalka Ethopia, David Shean ahna siyaasi ka
faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ayaa soo dhaweeyay
wadahadallada u billowday Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,
isagoo ku tilmaamay in ay suurto galtahay wadahadaladaasi kuwo meesha
ka saari kara khilaafkii labada dhinac u dhexeeyay mudo ku siman 20
Sano.
Kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ee ka
dhacay magaalada Dubai ayuu ku tilmaamay mid horumar ah, isagoo ku
boorriyay madaxda Soomaalida inay kulammada sii wadaan.
Kulammada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay qayb ka ahaayeen
qodobbadii kasoo baxay shirkii London lagu qabtay bishii Feberaayo ee
sannadkan, waxaana labadii ergo ee kala matalaysay labada dhinac ay
bishii hore ku kulmeen duleedka London.
Danjire Shean oo wareysi siinayay telefishinka afka Soomaaliga ku
hadla ee Horn-Cabel ayaa la weydiiyay sababta Maraykanku uu u
dhiirri-gelin la'a yahay in Somaliland ay aqoonsi hesho ayuu wuxuu
kaga jawaabay in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid u yaalla Ururka
Midowga Afrika, Mareykankuna uusan awood u lahayn inuu aqoosi siiyo
iyadoo dowladaha Africanka aqoonsi bixin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|