Somali News
    Hees  

Maydad Haween la dilay oo Jirkooda ka Muuqdo Dhaawcyo fool xun ayaa maanta lagu arkay Degmada Dayniile

Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maydad Haween la dilay oo Jirkooda ka Muuqdo Dhaawcyo fool xun ayaa maanta lagu arkay Degmada Dayniile

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Xaafadda Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu arkay maydad laba haween ah oo la dilay, kuwaasoo la sheegay inay ay
ahaayeen dadka dega deegaanada dhacay daafaha Muqidsho ee loo yaqaano Goofley.

Haweenkan ayaa la sheegay in middiiba si arxan daro ah laga toogtay madaxa iyo laabta, iyadoo aan la ogeyn cidda rasmi ahaan dilkooda geysatay, balse guddoomiyaha degmada Dayniile ee DKMG ah ayaa sheegay in dilkaas geysteen Malayshaadka Kooxda Alqacida Soomaaliya ee
Al-shabaab.

"Labadan haweenka ah oo ahaa dadka dega degaanada Muqdisho hoosyimaada waxaa la dilay xalay, waxaana dilkooda geystay lix ruux oo ka tirsan Kooxda Nabaddiidka Al-shabaab," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dayniile oo saxaafadda la hadlay,

Ma jirto cid sheegatay inay mas'ul ka tahay dilka haweenkan, hadii ay tahay Alshabaab iyo cid kale balse dadka degaanka ayaa aaminsan in sida haweynka loo dilay uu ka muuqday ficilada iyo sida ay wax u gumaadaan Alshabaab iyadoo sababta dilka dadkaan rayidka aan la ogeyn wax lagu tilmaami karo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)