Somali News
    Hees  

Sidee looga xusay Magaalada Esklistuna Munaasabada 1-da Luulyo. "Daawo Sawirada"

Esklistuna Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Sidee looga xusay Magaalada Esklistuna Munaasabada 1-da Luulyo. "Daawo Sawirada" 

Magaalada Esklistuna ee Wadanka Sweden ayaa looga dabaal dagay Munaasabada maalinta 1-da Luulyo ayadoo si weyn loogu dabaal dagay Maalinta Xuriyada Calanka Soomaaliyeed.

Bartamaha Magaalada Esklistuna ayeey Soomaali aad u badan isugu soo baxeyn si ay u weyneeyaan Maalinta Xuriyada Wadanka Somalia ayadoo ay ka soo qeyb galeeyn Madaxda ugu Sareeysa ee Degmada Esklistuna oo halkaasi Qudbad ka jeediyay uguna hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Magaala Esklistuna.

Xafladaan oo lagu qabtay Barxad weyn oo ku taala Magaalada Esklistuna ayaa waxaa lagu soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waxaana ka soo qeyb galay dad aad u fara badan waxaana lagu soo bandhigay Heeso Wadaniyad iyo kuwo lagu damaashaadaayo.

Fanaanada Weyn ee Faadumiina ayaa halkaasi ka qaaday heeso dhowr ah oo aad u macaan dadkii ka soo qeyb galaynay aad ugu qanceyn waxaana sidoo kale ka halkaasi joogaa Fanaanka Muqtaar iyo Caasha oo dhamaantood si weyn ugu dabaal dagayay.

Xafladaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Magaalada Esklistuna ee "SUN"

Barnaamijka ayaa waxaa si wada jir ah u daadihinayay Wariye Muqtaar Halyeeyga & A. Alamtara.

Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay waxeey kawada sinaayeen farxada Maalinta Qaaliga ah ee 1-da Luulyo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA XAFLADA:















































 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)