Somali News
    Hees  

Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo soo bandhigey buug uu qorey dhowaaan

 

Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo soo bandhigey buug uu qorey dhowaaan

Xaflad lagu soo bandhigayey buug uu qorey Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo la magac baxay Dal Masiibo dabbaashey dareen hoy u ahaadey ayaa shaley lagu qabtey hoolka weyn ee xafladaha iyo shirarka (Fokel huska)ee ku yaala xaafada Rinkyby magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

Xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada balse ay ka dhex muuqdeen aqoon yahano ,macalimiin, Fanaaniin iyo qorayaal Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntiiba waxaa hadalka furey Qoraa sare Yuusuf Hassan oo Mahadcelin u soo jeediyey Abwaanka sida wanaagsan ee suugaantiisa uu u gaarsiiyey bulshadda iyo qeybtii wanaagsaneyd oo uu ka soo qaatey wacyigelinta bulshada in qeyb ka mida suugaantiisa la soo bandhigana ay tahay mid aan la iloobi karin timidna xili loo baahnaa.

Ka dib waxaa microofanka lagu soo dhoweeyey Abwaan Mustafe Sh Cilmi isagoo si kooban uga hadlay taariiqdiisa xiligii uu Fanka ku soo biirey iyo halka uu ka soo galey,sidoo kale wuxuu Abwaanku cadeeyey in suugaantiisa oo dhan aan lagu soo koobi karin buug oo qura balse tani ay tahay qeyb ka mid ah. Waxa uu Abwaanku farta ku fiiqey in buugani aysan ku jirin suugaantii ka hadleysey jaceylka iyo waddaniyadda balse uu ka hadlayo dhacdooyinkii soo marey dalka wixii ka dambeeyey 1978dii wixii uu abwaanku ka tiriyey.

Mar Abwaanku uu ka jawaabayay su,aal la weydiiyey oo ahayd sababta ku dhalisey in uu buugaan soo saaro waxana uu sheegey maadaama uu dalkii ku dhacey burbur xoog leh in ka badan labaatan sano aysana jirin meel keydisa suugaanta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan ila noqotey in aan qoro buugaan waxaana la sugaayey waqtiga ugu haboon oo hadda ayay noqotey fikradana waxa igu caawiyey dad badan. Dhanka kale Abwaanku wuxuu ka jawaabey su,aalo dhowra oo la weydiiyey isagoo halkaas ku mariyey gabayo dhowra oo ku qornaa buuga.

Waxaa halkaas lagu shaaciyey in buugaan laga heli karo caalamka dhamaan meelaha lagu iibiyo buugaagta iyo Maktabadaha intaba Mas,uuliyiintii soo Abaabushey iyo dadweynihii ka soo qeybgaleyba waxey isla wada garteen in markale la sameeyo kulan Aad u weyn oo lagu soo bandhigi doono buugaan ayadoo sidoo kale lagu soo dari doono bandhiga buugaagta ee lagu qabto Dalka Sweden.

Fardowsa sheikh
fardowsok@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)