|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Shaqaalihii Kenya laga soo qafaashay ka bad baadiyay burcadkii afduubatay
Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Shaqaalihii Kenya laga soo qafaashay ka bad baadiyay burcadkii afduubatay.
Sida ay goor dhaw tabiyeen warbaahinta caalamka afartii ruux ee u shaqeynayay hay’adda NRC ee laga soo qafaashay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa aga furtay kooxdii qafaalatay.
Wararku waxay sheegayaan in 4,taan ruux oo u kala dhashy wadamada Canada, Norway, Pakistan iyo Philippines ayaa la sheega in lagu furtay hawgal ay sameeyeen ciidamada militry, ga dawlada Soomaaliya waxaana la sheegay inay kuligood bad qabaan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada ee gobolada jubbooyinka ayaa sheegay in shaqaalahaan laga soo qafaashay xerada Dhadhaab ay hadda gacantooda ku jiraan iyagoo bad qaba isla markaana ay sidoo kalegacanta ku hayaan kooxdii soo qafaalatay sida ay ku waramayso wakaalada wararka ee Reuters.
Hay’adda NRC oo ay shaqalaahaan ka tirsan yihiin ayaa iyana si kooban u sheegtay inay hayso xog ku saabsan in shaqaalahaan la bad baadiyay.
Labo cisho ka hor ayay aheyd marki shaqaalahaan laga soo afduubtay wadanka Kenya iyadoona la toogtay darawalkoodii gaariga u waday.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|