|
Wefdigii R/wasaaraha oo Talyaaniga soo gaaray & Shirkii kooxda xiriirka caalamka oo saacadaha soo socda furamaya
Roma Isniin 2 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wefdigii R/wasaaraha oo Talyaaniga soo gaaray & Shirkii kooxda xiriirka caalamka oo saacadaha soo socda furamaya
Waxaa saakay soo gaaray Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga wefdi uu hogaaminayey R/wasaaraha Soomaaliya, oo qeyb ka ah ka qeybgalayaasha kulan maanta ugu furmaya dhinacyada Soomaalida Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaana shirka ka qeybgalaya ergooyin ka kala socda TFG-da, Puntland, Galmudug & Ahlusuna waljamaaca.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ah dalal gaar ah oo isugu tegay, loona xilsaaray furdaaminta arrimaha Soomaaliya, ayaa wuxuu noqonayaa shirkii ugu dambeeyey ee kooxahani ay isugu yimaadaan.
"Shirkan qodobada muhiimka ah ee lagu lafagurayo waxaa ka mid ah in laga hadlo, meelna la isla saaro Dhammaadka KMG, Qaabka uu u dhammaanayo KMG, Nabadgelyada, daganaanshaha & la dagaalanka burcad-badeedka" ayuu yiri Xassan Max'ed Siciid Samatar oo ah Wasiirka kaluumeysiga & kheyraadka badda, kana mid ahaa ergadii Galmudug kaga qeybgashay shirka.
Shirkaan ayaa Furmaya Maanta, waxaana lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo Maalinta Barrito ah iyadoona, laga soo saari doono War-Murtiyeed ku aadan, waxyaabihii loogu wada hadlay shirka Maanta Furmaya.
Wixii ku soo kordha furitaanka & arrimaha shirka saacadaha soo socda ayaan idiin soo gudbin doonaa Insha ALLAAH.




W/Q C/shakuur & Saalah Dheere
Roma-Italia.
s.dheere@hotmail.com
cabdishakuur48@yahoo.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|