Somali News
    Hees  

“Fagaaraha Taxriid miyaa?”, koowda Luuliyo iyo Cape Town

Cape Town Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

“Fagaaraha Taxriid miyaa?”, koowda Luuliyo iyo Cape Town

Dad hirka oo kale ah,”Qalqi-muqalqi-laah”, caruuraha xitaa guryaha laga soo watay, iyadoo dadka ay isaga yimaadeen gobolada dalka si ay u xusaan koowda Luuliyo xalay munaasabad tii ugu balaarnayd oo ebed Koonfur Afrika ka dhacda oo lagu xuso munaasabadda koowda Luuliyo.

Munaasabadani oo ay qabanqaabiyeen bahda saxaafadda Soomaalida Koonfur Afrika eek u bahoobay ururka SOJASA ayaa ayaa soo gabogaboowdey lixdii saac markii calanka la saaray kadib, iyadoo dad qiiro la jibeysan ay fatihiyeen masraxa, kana tan bateen qabanqaabiyeyaasha.

Mar waxa ay goobta u ekaatay fagaaraha taxriir ee Qaahira, iyada oo sawaxanka iyo sacabka wadaniyadda ku dheehan ay ahaayeen wax indho kasta oo eega ama maqqaati ka noqda ay la ashqaraaraan.

Gudoomiyaha bahda saxaafadda Maxamed Muuse Nuur ayaa xafladda furey, isagoo kumanaanka shacabka ah ee soo xaadirey ugu bishaareeyey 52guurada kasoo wareegtey markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, waxa uu u sheegey in markani saxaafadda Soomaaliya ay isu soo mutaxday in ay qaadato kaalinteeda nabadaynta Soomaaliya iyo isu keenista dadka, xafladuna tahay mid taasi ka turjumeysa.

Oday Soomaaliyeed oo goobjoog ahaa maaintii calanka la saarayay lixdankii ayaa ka sheekeeyey sidii lagu heley calanka, iyo xornimada, sidoo kale Xaajiyo Sureer Faarax oo goobta ka hadashay ayaa tiri “calankani hadiyad nalooma siinin, dhiig ayaa ku qubtey, waana in aad difaacdaan calankani”.

Shirkadda Fiyoore Phones ayaa bixisey kaarar taleefoonada oo lagu hadlo kaasoo dadka ay ku heleyaan haddii ay ka jawaabaan su’aalo wadani ah oo ay ka midyihiin “waxaad sheegtaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya?” iyo kuwa la mid ah.

Ganacsade Mahad Cabdi Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in agoonidamii ay ka baxeen, islamarkaasina safiirkii Soomaaliya Koonfur Afrika usoo magacowday uu soo gaaray Johannesburg, Cabdiqaadir Khaliif oo ah gudoomiyaha SASA ee gobolkani ayaa isaguna dadka u sharaxay waxa ugu daran ee ay ka walwalaan oo ah sharciga iyo meelaha cusub ee ay ka heli karaan waraaqaha aqoonsiga qaxootiga.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir, xoghayaha guud ee SOJASA ayaa sheegey in xoriyaddihii la heley lixdankii ay udubdhexaad u tahay tan xoriyadda hadalka, lana soo gaaray xiligii saxaafadda doorkeeda qadan lahayd, waxa uu dhanka kale sheegey in aysan jirin dad malaa’ik ah oo cirka ka imanaya, sidaasi darteedna dadka ay is wada cafiyaan, dadkiina lagu noqdo si dib u dhis loogu sameeyo.

Sheekh Xuseen Shibis oo ku hadlay magaca culumada Al-Bayaan ayaa dadka u dardaarmay Alle ka cabsi, sheegeyna in wadaniyadda ay ka mid tahay diinta.

Guud ahaan dadku waxa ay ahaayeen kuwa shucuurtooda kacsantahay, hiloow wadankii ah uu ku jiro, hamuun qaran ay ka muuqato, dowlad uu hami ka hayo, iyagoo calanka cagoogan, qaarkoodna jirka ku hinqaasta calanka marsaday ayay saqdii dhexe ku kala hoyden.





FG: Warkani waxaa idiin soo gudbiyey bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ee K/Afrika
SOJASA
Email: sojasa@live.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)