|
Kumanaan Soomaali ah 1-ada Luuyo Oslo ka xusay iyo wasiiro ka qeybgalay DAAWO SAWIRADA
Oslo Isniin 2 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kumanaan Soomaali ah 1-ada Luuyo Oslo ka xusay iyo wasiiro ka qeybgalay DAAWO SAWIRADA
Kumanaan dadweyne Soomaaliyeed oo isaga kala yimid dalalka W/yurub, gaar ahaan wadanka Norway ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaala Magaalada Oslo ee dalka Norway kuwaas oo u dabaal degayey munaasabada maalinta qiimaha badan ee kowda Luuyo, oo ah maalin ku asteysan xurnimada gobalada koofureed iyo israaca labada gobal ee koofur iyo waqooyi.
Xafladan ayaa waxaa isku soo duway ururka haweenka Soomaaliyeed iyo ururka dhalinyarada, waxaana sidoo kale kala qeybgalay wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi samad Macalin Maxamuud iyo taliyaha waaxda Socdaalka jeneral Gaafoow oo beryahan socdaal shaqo ku joogay magaalada oslo ee dalka Norway.
Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisamad Macalin ayaa guud ahaan ka qeybgalayaasha ugu hambalyeeyey munaasabada kowda Luulyo darteed, waxa uun Reer Norway ku amaanay sida ay isugu duuban yihiin iyo sida ay maalintooda weyn u qiimeeyeen, isaga oo si gaar ah wasiirka abaal marin qaali ah u gudoonsiiyey marwo Ayaan Yaasiin oo ah gabar todobadii sano ee u dambeysay calanka Soomaaliya ka luleysay magaalada oslo ee dalka Norway.
Taliyaha Waaxda socdaalka dalka Soomaaliya Jeneral Gaafoow oo goobta ka hadlay ayaa been la dhoodhoobay ku tilmaamay warar sheegayey in dowlada Norway ay dib u celineyso dadka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in aysan jirin qorshe ama talo ay bixinayaan oo ku aadan in dib lo soo celiyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo dhinaca kale kaga xogwaramay xaalada dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho isaga oo kula kaftay reer Norway in ay ku yihiin yihiin qurba joogto ugu yar ee dalka yimaado.
Halgame C/qaadir Cali boolaay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii gobanima doonka soomaaliyeed, iyo sida loogu baahan yahay in mar kale 52sano ka dib in boorka laga jafo si dib loogu soo celiyo sharafkii iyo qarananimadeenii lunta.
Marwo Ayaan yaasiin oo ah gudoomiyaha ururka haweenka isla markaana ah gabadhii keentay fikradan ah in sidan loo maamuuso maalinta qaranimada ayaa sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay lix sano ka dib in maanta qof kastaa uu calankii dhulka ka qaaday, waxa ayna si gaar ah waalidiinta iyo umada Soomaaliyeed ugu baaqday in caruurta la baro calankeena iyo qaranimadeena halka la bari lahaaa calan iyo gobal cusub oo aan meelna tageyn.
waa sanadkii todobaad oo oo magaalada oslo meel fagaare ah la isugu soo baxo iyada oo loo dabaaldegayo maalinta weyn ee kowda Luulyo, waxaana lagu tilmaami karaa in ay aheyd goobtii ugu horeysay oo sidaan oo kale wada jir loo maamuuso maalinta qaranimadeena.

















Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Q/Yurub
C/raxmaan Maxamed Xasan (xudeyfi)
Email: xudeyfi4@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|