Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ruwanda

Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ruwanda.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwanda, iyadoo madaxweynaha uu halkaasi salaan sharaf kaga qaatay Ciidamada Dalkaasi.

Bowl Kigami Madaxweynaha Ruwanda ayaa madaxweyne Sheekh Shariif si maamuus leh ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ruwanda, wuxuuna Madaxweynaha halkaasi u tagay arrimo uu doonayo inuu kala hadlo madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa isla xalay kulan ku qaatay xarunta madaxtooyada dalkaasi, iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxaana madaxweyne Shariif uu kala hadlay dowlada Ruwanda sidii ay u taageeri laheyd dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Ruwanda ayaa waxay ka mid tahay waddamada ay ka dhaceen dagaallada sokeeye ayaa hadda ka soo kabatay burburkii iyo dhibaatadii ay ka dhaxleen dagaaladaasi dhibaatada ba'an gaarsiiyay shacabka dalka Ruwanda..


























Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)