Somali News
    Hees  

Maraykanka iyo Canada oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa

Mogadishu Isniin 2 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maraykanka iyo Canada oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa.

Afhayeenka Aqalka cad ee dowladda Mareykanka Jay Carney ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku cambaareenayo qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya kuwaas oo la eegtay labo kaniisadood oo ku taala magaaladaasi islamarkaana uu ka dhashay dhimashada in kabadan 17 ruux iyo dhaawaca 40 ruux oo kamid ahaa dad ku cibaadaysanayay labada kaniisadood ee la weeraray.

Jey Carney ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyeen kooxo argigixiso ah oo saldhogoodu yahay dalka Somalia waa sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in dowladda maraykanka ay aad uga naxday markii aqbaartaasi ay soo gaartay.

Jey Carney ayaa tibaaxay inay tacsi u dirayaan ehelada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxyada dowladda Kenya ay sheegtay inay ka dambeeyeen xarakada al Shabab ee Somalia ka dagaalanta.

Waxaana uu sidoo kale sheegay in maraykanku mar waliba uu garab taaganyahay dowladda Kenya , kalana qeybqaadanayo dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray argigixaisda

Wasiirka arimaha dibadda dalka Canada John Baird ayaa isna sheegay inay aad u cambaareenayaan qaraxyadii ka dhacay Gaarisa oo uu sheegay inay ka dambeeyeen kooxo ma naxayaal ah , waxana wasiirku uu tacsi u diray ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Maalintii shalay ayay ahayd markii magaalada Gaarisa ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay labo kaniisadood oo ay ku sugnaayeen dad aad u badan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)