|
Dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Garbahaareey ee Gedo iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga saaray magaaladaasi
Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Garbahaareey ee Gedo iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga saaray magaaladaasi.
Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu saakay ka dhacay gudaha magaaldaasi, iyadoo dagaalka uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa socday saacado badan, wuxuuna markiisa hore ka bilowday dagaalka duleedka magaalada oo ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna dagaalku ku fiday gudaha magaalada oo ay Al Shabaab galeen islamarkaana ay kula dagaalameen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaan ilaa iyo hadda kala cadayn heerka uu gaarsiisan yahay, iyadoo la sheegayo in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen 3 askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, waxaana magaaladaasi ka qaxay dad fara badan oo deganaa magaaladaasi markii ay maqleen dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanaayaan.
Dhinaca kale wararku waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab laga saaray magaalada oo hada si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, inkastoo weli xiisada dagaal ay tahay mid taagan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|