|
Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah Bixisey
Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah Bixisey
Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa qeybisay deeq timir ah oo gaareysa 304kg.,deeqdaas ayaa la siiyey dariiiqada “Adin soone” ee saldhigeedu yahay Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Maamulaha shirkadda Golis Qardho Mudane Axmed Cawaale Gaare ayaa deeqdaas gudoonsiiyey gudi ka socday dariiqada Adin soone.
Mudane Cawaale mar uu ka hadley deeqda timirta ah oo ay shirkadu bixisay ayuu yiri “Bisha Ramadaan ee barakaysan shirkadu waxay go’aansatey in ay ka qeyb qaadato afur-siinta cid kastoo ay shirkaddu u garato in uu mudanyahay”.
Cawaale ayaa sidoo kale sheegay in dariiqada "Adin soone" ay ka mid yihiin macaamiisha shirkadda ee isticmaala adeegyadeeda loona baahanyahay in wixii wax tar ah ee ay u baahanyihiin la siiyo.
Dhinaca kale, Sh.Axmed Cabdulaahi Cabdi oo ka socdey dariiqada “ Adin soone” ayaa muujiyey farxadda ay ku faraxsanyihiin in shirkadda Golis ay siisey Timir ay ku afuraan bisha Ramadaan ee barakeysan.
Deeq timirta ah waxay ka mid tahay waxtarka shirkadda Golis ay u sameeyso bulshada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaanka Kariimka ah.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|