Somali News
    Hees  

Kabtan Juan Matta iyo Xulkiisa 23jirada Isbeyn oo ka Haray Olombikada London ee 2012.....

Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kabtan Juan Matta iyo Xulkiisa 23jirada Isbeyn oo ka Haray Olombikada London ee 2012.....

Xulka 23 jirada isbeyn ee uu Kabtanka ua ahaa xidiga qadka dhexe ee Kooxda Chelsea 10 Juan Matta isla Markaana ka qeyb Galayay Olombikada London 2012 ayaa Xalay ka Haray Wareega 8 ee Tartankaasi ka dib Markii Kulankoodii Hore ee Guruubyada ay 1-0 ku Dhufteen Xulka Hundoras oo ka mida Wadamada ka qeybgalaya Ciyaaraha Olombikada London ee 2012.
Isbaanisha ayaa xalay qasaariayay Fursad muhiima Madam kulankii Horee e Jabaan ay la Ciyaareena ay ku Guldareysteen Loogana Badiyay 1-0taasoo ak dhigeysa in Isbeyn ay ku dhimato Wareega Gurubyada.

Guruubka ay ku jirtay Isbeyn ee Guruub D waxaa 6 dhibcood ku Horkaceysa Xulka Jabaan,Honduras oo ku soo xigta waxa ay leedahay 4 dhibcood,Kaalinta 3 waxaa ku jirta Marocco oo leh 1 dhibic,Halka Kaalinta ugu Dambeysa ee 4 ay soo caga cageyneyso Xulka isbeyn oow ax dhibic ah aan ka qaadan taratnka 2 kulanee uu saftay waxaana ay u muuqataa Guruubkaan inay ka soo bxi doonaan Xulalaka Jabaan vs Honduras oo iyagu Arbacada u Dagaalami doona Kaalinta 1 ee Guruubkaan.
dhinac kale xulalaka ilaa hada sii Carbuuntay Olombikada London 2012 u gudbida Wareega 8 waxaa ka mida Great Britain iyo Sanegal oo Guruubkooda min 4 dhibcood ku Hogaaminaya Guruubka A,sidoo kale Urugway oo Xalay 2-0 ay ku samirsiyeen Sanigaal isla markaan leh 3 dhibcood ayaa kualnkeeda ugu dambeeya oo ay la ciyaarayaan Great Britain waxaa looga baahan yahay 3 dhibcood Barabrdhac waa ku Haraan.Gurubkaan A waxaa Boorsadeeda qadatay Imaaraadka Carabta oo 2 kulan ee ay safatay laga wada Badiyay ayna ka badiyeen Sanegal vs Great Britain.

Guruub B vs Guruub C Xulalka Mexico iyo South Korea,iyo Brazil ayaa sii carbuuntay Wareega 8.

Guruub B Xulalka Sout Korea iyo Mexico ayaa ka soo baxaya Guruubka B,Halak Barzil ay sugeyso Xulkii soo labeyn Lahaa Guruub C waxaana Brazil ay ku horkaceysaa Guruub C 6 dhibcood oo nadiif ah iyadoo ay u harsan tahay 1 ciyaar oo ay la ciyaari doonaan Xulka New Zealand 1 Ogosto 2012,Masar Rajadeeda waxa ay ku xiran Tahay iyagoo soo Badiya Kulanka Belarus,Brazilna ay afka ciida u daraan Xulka New Zealand.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle' uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)