Somali News
    Hees  

Ciyaaraha Koobka Ramadaanka Qatar oo si habsami u socdo

Doha Isniin 30 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciyaaraha Koobka Ramadaanka Qatar oo si habsami u socdo

Maxaad kala socotaa habsami u socodka Koobka Ramadan ka ee Dalka Qatar-Doha iyo guulihii ay ka soo hooyeen ciyaartooyda Jaaliyada Soomaaliyeed?

Waxaa si habsami leh uga socda garoonka weyn ee Doha Stadium ee dalka Qatar caasimadiisa Doha Koobkii lagu maamuusayay bisha barakeysan ee Ramadaan koobkaas oo ay wacdaro ka muujiyeen xidigaha Jaaliyada Soomaliyeed iyagoo kulankoodi ugu horeeyay fooda ay is dareen Jaaliyada dalka Masar oo ah xulka loo saadaalinaayay hanashada koobka.

Ciyaartaaso ahayd ciyaar aad u kulul oo ahayd weerar iyo weeran celis ayaa waxaa u suura gashay ciyaartooyda Soomaaliyeed in ay uga awood roonaadaan 2-0 oo ay guusha ku raacday xulka Jaaliyada Soomaaliyeed.

Kuulankii 2aad ay yeesheen waxay wada ciyaareen xulka xidigaha Qatar oo ay isla dhaafi waayeen 2-2 ciyaartaasoo ay labada kooxood ba soo banshigeen ciyaar aad u qurux badan oo ay la haceen dadkii u soo daawasho tagay.

Ciyaartii kama danbeysta ahayd ee wareega 1aad waxay isaga horyimaaeen kooxda Al-Fidaa’iyuun oo ay guuldaro xun dusha u saareen ciyaartaas oo ahayd ciyaar dhinac qura ay ciyaarayeen ayaa waxaa inta badan kubada laga saari waayay xulka Jaaliyada Soomaaliyeed oo ay ugu danbeytii guusha ku raacday 2-0 halkaas oo ay uga soo gudbeen wareega koowaad ayagoo ku soo baxay kaalinta koowaad oo ay ku hogaminayeen group kooda 7 dhibcood.









Soo Diyaarintii Cabuud Madridista

DOHA-QATAR
dearabdalla@hotmail.co.uk

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)