|
Ciidamada Dowlada KMG iyo Kuwa Ethiopia oo Sare u qaaday
Dhaqdhaqaaqyadooda Gobalka Bay
Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ciidamada Dowlada KMG iyo Kuwa Ethiopia oo Sare u qaaday
Dhaqdhaqaaqyadooda Gobalka Bay
Wararka aanu ka helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
ayaa sheegayaan in halkaas labadii Cisho ee ugu dambeysay ay ka jireen
dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa
caawinaya ee Ethiopia.
Qaar ka tirsan dadka Degaanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidanka
ay yihiin kuwa aan caadi aheen kuwaa oo qorsheynayaa in Degmooyinka
Gobalka Bay ee Gacanta Shabaab ku jira dib loo xoreeyo si dadka
Shicibka ay u helaan gargaarka Bani,adamnimo.
"Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ayaa waxay isku urursanayeen
saldhigyo ay ku leeyihiin magaalada, waxaan sidoo kale socday gaadiid
dagaal oo fara badan kuwaasoo ay ku jireen taangiyo," ayay
goobjoogayaal ku sugan Baydhabo u sheegeen Warbaahinta Muqdisho.
Maamulka Magaalada Baydhabo iyo saraakiisha ciidamada ayaan weli ka
hadlin daqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira degmada Baydhabo, kuwaasoo
shacabka ku nool halkaas ay aad u dareemeen.
Inkastoo xilligaas kaddib ay ciidamada isbahaysanaya qabsadeen dhowr
degmo oo ka tirsan gobolkaas ayaa haddana waxay weli Malayshaad
Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool degaanada wali ay
gacanta ku hayaan.
Qeybo ka tirsan Gobalada Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya waxaa ka
soconaaya Qorshe la doonayo in lagu Jabiyo Awooda Alshabaab oo xili ka
talin jirta ilaa 8 Gobal oo Koonfurta dalka abaabulka ugu weyn ayaa
waxaa uu ku wajahanyahay dhinaca Magaalada Kismaayo halkaas oo la
filanaayo ka hor 20 Bisha Aug. ii ay duulaan ku qaadaan Ciidanka
Ethiopia oo si sahlan mar walba ku jiba kooxda Malayshaadka Alshabaab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|