|
Barnaamij loogu magac daray Baraarug oo dhalinyarada lagu maalgelinayo oo Muqdisho lagu qabtay
Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Barnaamij loogu magac daray Baraarug oo dhalinyarada lagu maalgelinayo oo Muqdisho lagu qabtay
Munaasabad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo loogu magac daray Baraarug oo ay ka qeyb galaan boqolaal dhalinyaro ka kala socday Dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha ayaa ahaa mid loogu tala galay in dhalinyarada loogu abuuro jawi nabadeed iyo shaqooyinayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Barnaamijkan Baraarug oo ay taaba gelisay Hey'adda Cilmi baarista ayaa waxaa daah furkiisa ka soo qeyb galay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Agaasimaha Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay furitaanka Barnaamijkan ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid lagu abuurayto jawi dhalinyarada uga qeyb galaan nabada, isagoo xusay in markii horeysay dhaqaalaha Barnaamijkan lagu maalgelinayo ay maamuli doonaan dhalinyarada, isla markaana shaqooyin lagu abuurayo sida uu yiri.
"In Barnaamijkan jawi nabadgelyo lagu abuuro, ujeedada waxa uu ahaa in dhalinyaro Soomaaliyed in lagu aamino in iyaga wax maamulaan,waxaa howsha socotay qeyb ka ahaa in lagu abuuro jawi dhalinyarada uga qeyb galaan geedo socodka nabada in kaalin weyn ka geystaan xaalada kala guurka ee dalka ku jiro, waxaa la xulay 12-dhalinyaro, oo howsha sii wadaya, qaarkood Gobolada dalka ayay ka yimaadeen, waxay ka fiirsanayaan gudiga 12-ka ujeedada Barnaamijka uu quseeyo howl ayaa loo dirayaa in howsha lacagta ku baxeysa inta ay la eg tahay, dhalinyarada ayaa markaas go'aan ka gaaree"ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.
Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada Cabaas Caddow oo ka mid ah dhalinyarada Gudiga Baraarug, isagoo xusay in barnaamijkan uu yahay mi dhaqaalaha lagu maalgelinayo ay maamulayaan dhalinyaro, taasoo uu xusay inay muujineyso is bedel cusub, isagoo xusay in bedelkii horay dhalinyarada lagu abaal marin jiray Ak47 hada lagu aaminayo dhaqaalo.
Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo tilmaamay in barnaamijkan uu horay u soo bilaabay Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay inay soo dhoweynayaan doorka dhalinyarada iyo muhiimada uu leeyahay barnaamijkan.
Wasiir dowlaha dhalinyarada, shaqada iyo shaqaalaha Prof. C/llaahi Sheekh Qaloocow ayaa sheegay in ay sameyeen wacyigalin ku aadan sidii dhalinyaradu u qaadan lahaayeen qalinka qorigana u dhig lahaayeen wasaaraduna ay ka ciyaartay door muhiim ah sidii la isugu xiri lahaa dhalinyarada loona hormarin lahaa.
Sidoo kale waxaa munaasabadaka hadlay Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Jahweyn iyo Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen oo labaduba ku dheeraaday doorka dhalinyarada ee kaga aadan horumarinta dalka, isla markaana ay yihiin madaxdii dalka ee berri, waxaana ay xuseen in magacooda lagu dheelay, laguna horseeday dhibaato badan.
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo khudbad aad u qiimo badneyd ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in dhalinyarada maqaamkooda la bedelay, isagoo ugu baaqay inay soo ceshadaan sumcadii ay lahaayeen.
"Al-Shabaab magacii dhalinyarada waa xadeen, waxaa la idinka rabaa inaa soo ceshataan, dowladdana aad garab istaagtaan, inaad aamintaan in mustaqbalka dalka inaa tihiin, dhalinyarada badaha isku tuuraya, waxaa leeyahay dalka aad degan tihiin waa dalka aduunka ugu qanisan uguna barwaaqo, waxaa tihiin dadkii dalka ka soo saari lahaa qeyraadka, yaa looga tagayaa, aad baan ugu faraxsanahay in dhalinyarada la jiheeyo, si ay meel wanaagsan u istaagaan"ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo gaba gabadii barnaamijkan lagu daah furayay Baraarug ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in mudadii halka sano ee uu Xafiiska joogo in aanu arkin boqolaal dhalinyaro, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la bedelo fikradii lagu bartay dhalinyarada ee 20-kii sano
"20-kii sano dhalinyarada fikradii lagu bartay in la bedelo, dalka is bedela ka socda, waxbarasho socdaan, jaamacado ka furan, waxaan rabnaa inaad fursada ka faa'ideysataan, wadan waxaa dhisa dadkiisa, waxaan rabnaa howsha hada socota barnaamijka road mapk gabo gabo ayuu marayaa, waxaa loo fadhiya dastuurka in la ansixiyo, dadka wax ku dhaqaya dalka inaa noqotaan, idinkana horseed ka noqotaan barnaamijka socda la idinkama maarmi karo, waxaa u tihiin saldhig"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo u mahadceliyay Hey'adda CRD ee barnaamijkan soo qaban qaabisay
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dhalinyarada looga fadhiyo inay ku dadaalaan waxbarashada, taasoo uu xusay inay tahay mida kaliya oo lagu hormarin karo bulshada, waxaana uu xusay in dhalinyarada ay yihiin madaxda berrito.
Barnaamijkan cusub ee Baraarug oo ay daaha ka qaaday hay’adda CRD ayna maamuli doonaan dhalinyaro gaaraysa 12-qofood kuwaas oo maal galin u sameyn doona barnaamijyadda lagu hormarinayo dhalinyaradda ayaa la rumeysan yahay in wax badan uu ka badali karo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, gaar ahaan kuwa heysata dhalinyarada.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|