|
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere iyo Maleeshiyaad uu wato oo habeenkii labaad ku hoyanaaya Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud
Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere iyo Maleeshiyaad uu wato oo habeenkii labaad ku hoyanaaya Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wararka ka imaanaya Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in Afhayeenka Shabaab iyo Maleeshiyo uu wato ay xalay habeenkii labaad ku sugan yihiin degamada Galcad.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu wato Maleeshiyaad fara badan, lamana oga ujeedka dhabta ah ee ay u tageen degmadaasi Cali dheere iyo maleeshiyaadka uu wato, sidoo kale lagama war hayo halka ay u socdaan.
Cali dheere ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan inuu qorsheynaayo weeraro uu ku qaado deegaanada uu ka taliyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Cali dheere uu halkaasi u tagay isagoo khilaaf uu kala dhax soo galay isaga iyo Maamulka sare ee Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Galcad ka imaanaya ayaa sheegaya inuu weli ku sugan yahay weli degmadaasi Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Al-Shabaab, lamana oga halka uu ka sii aadi doono degmadaasi iyo inuu dib ugu soo laabanaayo Magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|