Somali News
    Hees  

Malleeshiyaadkii Al-Shabaab oo ka baxay Jowhar kadib markii ay ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaliyeed ku dhawaadeen magaaladaasi

Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Malleeshiyaadkii Al-Shabaab oo ka baxay Jowhar kadib markii ay ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaliyeed ku dhawaadeen magaaladaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa in malleeshiyaadkii kooxdda Al- Shabaab ay habiinkii xalay ahaa ay faaruqiyeen magaalaadda Jawhar ee xarunta gobolkaasi, iyagoo gaadiid fara badan oo nooca xamuulka qaada ah ku rartay wixii Magaaladaasi ay ku heysteen oo hanti ahaa taas oo iskugu jitay hub iyo hanti ay hore ugu dhaceen dadka deegaanka sida ay warbaahinta maxaliga ah u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool Degmadda jawhar.

Warka ayaa waxay intaas ku darayaan in dadka ku nool magaaladaasi ay saakay ku baraarugeen malleeshiyaadkii dhibaatada ku hayay ee koxdda Al-Shabaab oo ka maqan saldhiyadii iyo barihii ay magaaladaasi ku lahayeen, kadib markii xalay saqdii dhexe ay isaga baxeen magaalada, iyagoo ka baqaya in ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya iyo kuwa Amisom oo hadda ku sugan wax ka yar 15 KM una jira degmadda jawhar .

Malleeshiyaadka koxdda Al-Shabaab ayaa la sheegaayaa in ay hore u qaateen Idaacadii FM aheeyd ee ku taalay degmadaasi, taas oo ay hore uga dhaceen dhallinyaro deegaanka ah, sidoo kale waxey hore u qaateen gaadiid iyo hanti ay lahaayeen dadka ku nool magaaladaasi, lamana oga ilaa iyo haatan dhanka ay u dhaqaaqeen haraadigaasi malleeshiyaadkii kooxdda Al-shabaab oo ay awooddoodii hore u wiiqeen ciidamada qalabka sida ooXogga dalka soomalaiyeed oo gacan ka helaya kuwa ururka Midowga Africa ee Amisom.

Dadka ku sugan degmadda jawhar oo aanu saaka la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in an hadalkooda xiganno Maaddaama aysan ciidamada dowladdu wali gaarin degmadda Jawhar iyadoo Magaalada Jowharna ay ka mid aheyd meelaha ugu daran ee Malleeshiyaadka Kooxdda Al- shabaab ay ka geeysteen tacaddiyada Baahsan iyo xadgudubyada Bani’aaddannimada ka baxsan ,waxaana magaalladaasi ay kooxdda Al- shabaab ku ka qodeen godad ay dadka ku ciqaabi jireen.markasta si ay ugu dhaga nuglaadaan amararoodda qaloocan oo aanana wax sharci ah ku qotomin.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa waxey dareemayaan saxansaxo Nabadeed mar haddii sanado bnadan kadib kooxdii Al- shabaab ay qaati ka taagnaayeen aysan saaka ka hormuuqan,wejiyadoodda , mad madoow iyadoo dhinaca kalena quudarreynaya in ciidamada dowladda ay dhaqsi ku gaaraan si ay u xaqiijiyaan xornimadii ay in muddo ah ku taaamayeen.dadkaasi shicibka ah

Tani waxey muujineysa taag darrida heysata kooxda Al-Shabaaab iyo sida ay tusbax go’ay u noqdeen maliishiyaadkoodii iyadoo uu ka soo daahiray nabsigii ay ka galeen shacabkeenna Soomaaliyeed mana muuqato meel dalka ka mid ah oo ay gabbaad ama megengelyo ka helayaan wixii hadda ka daambeeya waayo ma jirto haba yaraatee cid ay u baxsadaan oo ay hore abaal ugu galeen, waxaana haatan siweeyn ugu diyaar garoobaaya dhjalinyarroi iskood isku xilsaaray oo doonana inaysan mar dambe cagaha soo dhigin goobihii ay dadka ku dhibateyn jireen hadda ka hor.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)