Somali News
    Hees  

Murashax Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo Odayaasha Dhaqanka ugu baaqay inay soo xulaan Xildhibaano karti leh

Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Murashax Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo Odayaasha Dhaqanka ugu baaqay inay soo xulaan Xildhibaano karti leh

Xarunta abaabulka doorashada ee Dr. Cabdiraxman Macallin Cabdullahi (Baadiyow) ayaa waxaa kasoo baxay baaqay ku saabsan habka loosoo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, waxayna sheegtay xaruntu in ay soo gaareen cabshooyin ka imaanaya odyaasha dhaqanka.

"Waxaa soo gaaraya xarunta ololaha doorashada ee Dr. Baadiyoow cabashooyin ka imaanaya dhinaca odayaasha dhaqanka, taasoo ku saabsan faragelin, lagu hayo oo ka imaanaysa dhinaca madaxda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ku cadaadinaya inay dad gaar ah u soo xulaan" ayaa lagu yiri baaq ay xaruntu soo saartay.

Sidoo kale baaqa waxaa lagu sheegay in xaruntu ay uga baaqayso madaxda DKMG ah inay faraha kala baxaan soo xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, una madax-banneeyaan odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyn, xaruntu waxay dhowr qodob oo baaq u jeedisay odayaasha dhaqanka ee ku howlan xulidda xildhibaannada cusub, kuwaasoo kala ahaa:

1. Inay soo xulaan dad qaadi kara xilka culus ee ummadda Soomaaliyeed ay ka sugayso.

2. Inay ka feejignaadaan wax kasta oo abuuri kara colaad iyo is-nacayb

hor leh oo soo kala dhex gala beelaha Soomaliyeed.

3. Inay kusoo xulaan si garsoor ah oo ku saleysan dhexdhexaadnimo.

Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow wuxuu ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo doorashadiisa lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho bisha Ogoosto ee soo socota.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)