Somali News
    Hees  

War saxaafadeed cabasho ah oo ka soo baxay beesha Baajuun

Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kulan ballaaran oo ay yeesheen waxgaradka iyo odayaasha haweenka beesha baajuuni kulankaasi oo looga hadlayay arrimo ku saabsan qeyla dhaan ka soo yeertay waxgaradka beesha baajuuni oo ku saabsan awood sheegasho lagu sameeyey suldaan dili mahadhi dili.

Shirka waxgaradka beesha baajuuni oo ka xun bahdilka loo geystay suldaanka beesha baajuun suldaan dili mahadhi dili iyagoo hor dhigeen ashtako ku saabsan cadaalad darro odayaasha lagula kacay isagoo booskii xaqa u lahaayeen ee shirka oo la duudsiiyey laguna bedelay nin la yiraahdo maxamed ismaaciil barakaale oo sheegtay in uu yahay suldaanka beesha baajuun iyo wixi la mid ah maxaa yeelay qofkaas isku sheegay suldaanka.

Beesha baajuun wuxuu geystay wiil u abti u yahay oo la yiraahdo maxamed alaale maxamed weligiis ma noqon suldaan iyo wax la mid ah maxaa yeelay waa dad raba in ay wax dhacaan waxaan ogeeysiinanynaa dadka nabada jecel odayaasha dhaqanka soomaaliyeed beesha caalamka qaramada midoobay unpos jaamacadda carab dowladaha islaamka iyo dhamaan waxgaradka iyo culumaduiinka beesha baajuun ha ogaanaadaan in uu suldaan dili mahadhi dili uu yahay ahaan doono suldaanka beesha baajuun ayna ka fogaadaan in ay gacan ku siiyaan wakiilka suldaanka gacan ku rimiska ah ee maxamed alaale maxamed aad iyo aad aan uga xun nahay sharafta iyo karaamda laga qaaday suldaan dili mahadhi dili haday cadaalad jirto waxaan uga codsaneynaa madaxda sare ee dowlada kmg ah in ay soo fara gelisoarinkaas ninkaas isku sheegay suldaanka waain laga soo saaraa shirka

ugu dambeyn waxaan u sheegey naa dhamaan beesha baajuun meelkasta ay joogaan

in arrintaas ay la socdaan ayna la soo xeriiraan suldaan dili suldaanka beesha iyagana ay dhankooda ka dacwoodaan oo meelkasta gaarsiiyann gar ahaan jaaliyadaha beesha baajuun

wabilaahi towfiiiq

warsaafadeedkaan waxaa ku saxiixnaay dadka magacyadooda hoos ku qoran

1) suldaan dili mahadhi dili

2)nabadoon aadan idiris cusmaan

3)nabadoon yuusuf daauud yuusuf

4)nabadoon c/qaadir c/shakuur waadi

5)caasho c/qadir dili guddoomiyaha ururka haweenka baajuun

6)xabiib bakari bana

7)abuubakar maclin juma

8)axmed yuusuf oobo

9)yuusuf saalim cumar

10)maxamed mardaadi maxamed

11)faadumo salale kiheri

12) xildhibaan maxamed sh cali oobo

suldaanka beesha baajuuni dili mahadi dili
waxaad kala soo xeriiri kartaan taleefoonka qoos ku qoran 252616323325

w.d dr.ali omar abati binfaghi

email dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)