Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo gaaray degmada Afgooye kaddib markii dadka degmada ay cabasho u soo gudbiyeen

Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif oo gaaray degmada Afgooye kaddib markii dadka degmada ay cabasho u soo gudbiyeen

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay u ambabaxay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, isagoo wata ciidamo fara badan isla markaana dhinaca dhulka ku socdaalay.

Socdaalka Madaxweyne Shariif ayaa la sheegayaa inuu la xariiro kaddib markii Madaxweynaha ay u cawdeen dadka ku dhaqan degmada Afgooye, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ay ka soo wajaheen ciidamada dowladda KMG ah ee iyagu ku sugan degmada Afgooye iyo wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxweyne Shariif waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan golaha Wasiirada, saraakiil isugu jirta Soomaali iyo kuwo shisheeye oo AMISOM ah, wuxuuna Madaxweynaha markaan ka qeyb gelayaa howlgallo lagu baacsanayo ciidamada gacma gacmeysanaya dadka rayidka ah.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha la socda Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo xubno ka tirsan Maxkamadda ciidamada, waxaana laga cabsi qabaa in qaar ka mid ah askarta Dowladda halkaasi lagu saaro maxkamad isla markaana lagu fuliyo xukuno kala duwan oo ugu weyn dil toogasho ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)