|
Booliska wadanka Uganda oo soo bandhigay sawirada nin ay ku sheegeen
inuu Soomaakli yahay kana tirsan yahay Xarakadda Al-Shabaab
Mogadishu Isniin 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Booliska wadanka Uganda oo soo bandhigay sawirada nin ay ku sheegeen
inuu Soomaakli yahay kana tirsan yahay Xarakadda Al-Shabaab.
Booliska wadanka Uganda ayaa soo bandhigay sawirada nin ay ku sheegeen
inuu Soomaakli yahay kana tirsan yahay Xarakadda Al-Shabab oo
Soomaaliya ka dagaalanta kaasi oo hadda ku sugan wadankaasi Uganda
damacsana inuu weeraro ka geysto sida boolisku sheegay.
Afhayeenka cusub ee booliska Uganda Samson Kuteesa oo saxaafadda kula
hadlay xarunta taliska booliska ee magaalada Uganda ayaa sheegay in
tiro ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab ay gudaha u galeen wadanka
Uganda kuwaasoo uuhogaaminayo nin uu magaciisa ku sheegay Max’ed
Liibaani Xaaji oo Soomaali ah sida uu yiri.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in Max’ed Liibaani oo Shabab ka tirsan iyo
raga kale ee la socda ay wadaan qorshe ay weeraro uga geysanayaan
wadankaasi waxaana uu tilmaamay in sawiradiisa ay hay’adaha amaanka u
qeybiyeen laguna dabo joogo.
Laamaha amaanka wadankaasi ayuu afhayeenku xusay in lagu wargaliyay
inay indho gooni ah u yeshaan muwaadinkaan Soomaaliyeed ee booliska
Uganda sheegeen inuu doonayo inuu weeraro wadankaasi ka geysto.
“Dhamaan hay’adaha amaanka gudaha iyo kuwa caalamiga eeargagixisada la
dagaalama waanku ku wargalinay in dalka Uganda ayh soo galeen xubno
Shabab ka tirsan uu hogaaminayo Max’ed Liibaani Xaaji oo Soomaali ah
isla markaana ay doonayaan inay weeraraan xarumo muhiim ah” ayuu yiri
afhayeenka cusub ee dhawaan loo magacaabay ciidamada booliska Uganda
Samson Kuteesawaxaana uu intaa ku daray in ciidamadu hadda baadi
goobugu jiraan.
Booliska Uganda ayaa bishii hore ee June sidaan oo kale u shaaciyay
sawirada iyo magacyada nin Al-AShabab ka tirsan oo ay sheegeen inuu
dalka Uganda ka galay dhanka dalka Kenya walaw mar damba ninkaasi lagu
qabtay dalka Tanzania.
Xarakadda Al-Shabab dhawr jeer ayay ku godoosay inay Uganda weeraro ka
geysan doonto sababtuna waa in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah kuwa
AMISOM ay Shabab Soomaaliya kula dagaalamaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|