|
Dablay hubaysan oo Xalay magaalada Gaalkacyo ku dishay nin Sarkaal ahaa iyo Wiil kale oo la dhashay
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dablay hubaysan oo Xalay magaalada Gaalkacyo ku dishay nin Sarkaal ahaa iyo Wiil kale oo la dhashay.
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay dablay hubaysan ku dishay magaaladaasi labo nin oo walaalo ah oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Saraakiisha sare ee ciidamada Maamulka Puntland.
C/laahi Maxamed Xasan (Ferey) ahaa sarkaalka la dilay ayaa ahaa darajadiisu waxay ahayd Kornayl, iyadoo xiliga la dilayey sarkaalka isaga iyo walaalkii ay u socdeen gurigooda kadib markii ay ka soo baxeen Masjid ay ku dukadeen salaadii Maqrib ee xalay.
Dad ku sugnaa halka lagu dilay sarkaalka ayaa sheegay in Kooxo bastooladu ku hubeysan ay dilka gaysteen kuwaasi oo wajiyada soo xirtay, islamrkiina goobta ka baxsaday, mana jirto ilaa iyo hadda cid loo qabtay dilka sarkaalka iyo Walaalkiisa.
Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo bixin maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada, balse waxaa la sheegayaa inay wadaan baritaano Ciidamada Maamulkaasi, iyadoo ay magaalada Galkacayo ku sii qulqulayeen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo iyagu doonayey iney sugaan ammaanka magaalada, islamarkaana baadi goobaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka labada Marxuum.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|