|
Ra'iisul wasaare Gaas oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan soo celinta nabada taasoo uu tilmaamay in wax muuqda laga gaaray
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaare Gaas oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan soo celinta nabada taasoo uu tilmaamay in wax muuqda laga gaaray
C/weli Maxamed Cali Gaas Ra'iisul wasaaraha xukumada KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan soo celinta nabada taasoo uu tilmaamay in wax muuqda laga gaaray.
Waxaa uu sheegay R/wasaaraha ka dowlad ahaan inay xooga saarayaan sidii loo soo celin lahaa nabada iyo xasiloonida hase yeeshee waxaa uu tilmamay in loo baahanyahay in kaalintooda ay qaatay shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha Ammaanka iyo xasilinta dalka uu qeyb ka yahay ammaanka badda, waxaana uu xusay in qorshahaas uu dhowaan soo shaac bixi doono.
"Waan la soconaa dhibaatooyinka ka jirta badaha, in kaluumeysi sharci daro iyo xaalufin lagu haayo, burcad badeedka waa dambilayaal, waayo waa qaadicul dariiqyo "ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|