|
Dowladda KMG ah oo shaaca ka qaaday inaysan aqbalin karin in la dhibaateeyo shacabka Degmada Afgooye
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda KMG ah oo shaaca ka qaaday inaysan aqbalin karin in la dhibaateeyo shacabka Degmada Afgooye.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inaan loo dulqadaan doonin askarta dhibaatada ku heysa dhacabka ku dhaqan degmada Afgooye.
C/Samad Macalin Maxamuud oo shalay qudbad ka jeediyey kulan ay wada qaateen Madaxweyne Shariif, maamulka degmada Afgooye, Odayaasha iyo saraakiisha dowladda ayaa waxaa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay qeybtooda ka qaataan nabadgelyada.
CabdiSamad Macalin Maxamuud ayaa tilmaamay in looga baahan yahay shacabka ku nool degmada Afgooye inay soo doortaan gole deegaan oo ka shaqeeya nabadgelyada.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka dalbaday shacabka ka barakacay deegaanka Lafoole inay dibu ugu soo laabtaan isla markaana ay dib u bilowdaan sahqooyinkooda.
"Shacabka ka barakacay deegaanka Lafoole waxaa looga baahan yahay inay dib ugu soo laabtaan deegaankooda oo ay sii wadaan shaqadii halkaa ay kahayeen" ayuu yiri C/Samad Macalin Maxamuud.
Shalay ayey ahayd markii wafdi uu hoggaaminayey Madaxweyne Shariif ay gaareen degmada Afgooye halkaasi oo kulamo ammaanka looga hadlayo ay kula soo qaateen maamulka Afgooye, Saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka degmadaasi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|