|
Majaajiliiste caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Majaajiliiste caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho
Allaha u naxariistee majaajiliiste caan ah ayaa caawa fiidkii lagu
dilay degmada Waaberi gaar ahaan masaajidka Cali Boolaay ee magaalada
Muqdisho, waxaana majaajiliistaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maaxi
Muriidi oo ku magac dheer (Marshaale).
Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow goobta lagu dilay majaajiliiste
Marshaale, waxaa dilkiisa ka dambeeyay ilaa afar dhallinyaro ah oo ku
hubeysan bastoolado, kuwaasi oo lix xabadood kala dhacay madaxa, hase
yeeshee dhaawiciisa oo markiiba loola cararay isbitaal Madiina ayaa la
sheegayaa inuu dhexda ku geeriyooday.
Kooxihii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Majaajiliiste Cabdi
Muriidi Maaxi (Marshaale) ayaa goobtaasi isaga cararay, iyadoo
ciidamada Booliska ee halkaasi gaaray aanay u suurtagelin inay gacanta
ku soo dhigaan.
Majaajiliiste Marshaale oo horay u soo bandhigay sheekooyin fara badan
oo ku saabsan arrimaha bulshada maalmihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo
dadweynaha Soomaaliyeed si weyn u soo jiitay dareenkooda dhinaca
nolosha, jacaylka, lamaanayaasha ragga iyo dumarka ayaa xilliyada
qaarkood wuxuu ka qeyb qaadan jiray sheekooyinka siyaasadda dalka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|