Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowlada oo Xalay si aan wali loo arag dhac uga geystay Afgooye

Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidamada Dowlada oo Xalay si aan wali loo arag dhac uga geystay Afgooye

Ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa xalay dhac safmar ah ka
geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo falkasi dhaca ah uu imaanayo xilli madaxweynaha Dowlada KMG ah oo shalay booqday degmadaas uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah oo ay geysanayaan ciidamado xiran dareeyska Askarta dowladda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada KMG ah ayaa waxay saxaafadda u sheegeen in dhaca uu ahaa mid aan hore loo arag ayna ciidamada dowladda ka geysteen xaafado dhinaca waqooyi kaga yeella degmada Afgooye.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay booqday degmada Afgooye ayaa wuxuu cabasho ku aaddan dhac ay ciidammadu ka geystaan degmadaas ka dhageystay waxgaradka, iyadoo guddoomiyaha degmada Afgooye uu ka dalbaday madaxweynaha in wax laga qabto dhibaatada shacabka loo geysanayo.

Abaanduulaha ciidamada xoogga ee Dowlada KMG ah, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan oo Shalay goobta ka hadlay ayaa sheegay inay wax ka qabaayaan dhaca ay ciidamada dowladdu ka geysanayaan degmada Afgooye, isagoo si buuxda u sheegay in lagu wargeliyay in falalkaas haddii ay soo laabtaan uu madaxiisa u maqan yahay.

Degmada Afgooye ayaa waxay gacanta ugu jirtaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo Malayshaadka Al-shabaab kala wareegay dhammaadkii bishii May ee sannadkan, waxaana tani iyo xilligaas ka dhacayay falal ammaan-xumo oo qaarkood lagu dilay dad rayid ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)