Somali News
    Hees  

Nin mareykan ah oo lala xiriirinayo inuu xiriir kala dhaxeeyo Al-Shabaab oo qaatay Racfaan

Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Nin mareykan ah oo lala xiriirinayo inuu xiriir kala dhaxeeyo Al-Shabaab oo qaatay Racfaan

Muwaadin mareyakan ah oo lagu magacaabo Shaker Masri, 28 ayaa racfaan ka qaatay xukun maxkamad ku taala gobolka Chicago ee dalka mareykanka ay damacsaneyd inay ku xukunto 15sano ah oo xabsi.

Shaker Masri, oo 28 jir mareykan ah ayaa qirtay in xilligii la qabtay oo aheyd 2010ka uu damacsanaa inuu soo aado dalka Somalia islamarakaana uu ku biiro xarakada Al shabab balse waxa uu sheegay inuu baadi goob ugu jiray dhaqaalo uu ku aado dalka Somalia.

Muwaadinkan ayaa sheegay in xirrir uu la lahaa saaxiibadiis ku sugan koonfurta dalka Somalia kana bar bardagaalama xarakada al shabab.

Maxkamad ku taala gobolka Chicago ayaa muwaadinkan mareykanka ah qorsheeneysay inay xukun 15 sano oo xabsi ah iyo ganaax gaaraya $250,000 dul dhigto, waxana uu muwaadinkan dalbaday in laga qafiifiyo xukunka lagana daayo ganaaxa sida uu ku qoray warqaddii racfaanka aheyd ee uu u diray maxkamadda .

Dalka mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa lagu maxkamadeeyay dad u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay inay taageero dhinac waliba ah ay siiyaan Al shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)