Somali News
    Hees  

Dowladda KMG ah oo beenisay inay dalka joogaan Ciidamo ka socda dalka Ingiriiska

Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowladda KMG ah oo beenisay inay dalka joogaan Ciidamo ka socda dalka Ingiriiska.

Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliyeed ayaa beenisay in ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku suganyihiin qeybo ka mid ah dalka Soomaliya, waxaana warkaasi lagu tilmaamtay in heshiis mileteri ay la gashay dalkaasi.

Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashandhigga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war u qoray mid ka mid ah wageysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska kaas oo sheegay in ciidamo ka socda Ingiriiska ay ku sugan yihiiin gudaha dalka Somalia.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa cadeeyay inaysan dalka joogin ciidamo ka socda dalka Ingiriiska, sidoo kale waxa uu sheegay, balse waxa uu cadeeyay inay dalka joogaan la taliyayaal meleteri ah oo ka socda Ingiriiska.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhiga ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aaday xilli ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaareen howlgallada dalka looga xorreeynaya kooxaha Al-Shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)