|
Ergada Ansixinta Destuurka Cusub ee Soomaaliya yeelanayso oo lagu wado inay maalinta Beri ah inay ansixiso Destuurka
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ergada Ansixinta Destuurka Cusub ee Soomaaliya yeelanayso oo lagu wado inay maalinta Beri ah inay ansixiso Destuurka.
Waxaa maalintii Todobaad galay shirweynaha lagu ansaxinayo Dastuurka cusub ee qabyada ah, ayaa wasaarada Dastuurka iyo Dibuheshiisiinta xukumada KMG Soomaaliya shaaca ka qaaday in beri la ansaxin doono dastuurka.
Wasiirka dastuurka iyo Dibuheshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo warbahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in maalinta Arbacada ah la ansaxin doono dastuurka, maalinta ku xigtana la sameyn doono xafladii lagu soo gabagabeynayay Dastuurka.
Waxaa uu sheegay wasiirka in howlaha dastuurka ay marayaan meel gabagabo ah isla markaana ergada ay isu qeybiyeen gudiyo dhowr ah, kuwasoo si hufan uga shaqeynaya buu yiri howlaha Dastuurka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday Wasiirka in lagu saleyn doono xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee soo socda qaabkii Imbagaati, tasoo uu tilmaamay inaby dalbadeen odayaasha dhaqanka laguna tixgeliyay dalabkooda.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda dastuurka iyo dibu hishiisiinta Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inuu rajeynayo in wax waliba ay ku dhamaan doonaan waqtigii looga tala galay maadaama buu yiri uusa jirin hada wax muran oo hada taagan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|