Somali News
    Hees  

Muranka warshada sibidhka oo Kulan Balaadhan Oo Ay Yeesheen Salaadiinta, Xidhibaanadda...

Hargeysa Talaado 31 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kulan Balaadhan Oo Ay Yeesheen Salaadiinta, Xidhibaanadda, Odayaasha Dhaqanka Guddidii Dan Iyo Duco Oo Ganafka Ku Dhuftay Qoraalkii Salaadiintu Soo Saartay muranka warshada sibidhka ee Berbera. 

Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 30/07/2012 kulan isugu yimid Xubno ka tirsan Salaadiinta, Xubno ka mid ah golayaasha qaranka (Wakiilada, Guurtida iyo Deegaanka), Guddida Dan iyo Duco, Cuqaasha iyo Aqoonyahanda Beesha Reer Saaxil, si ay uga jawaabaan War-saxaafadeed ku soo baxay warbaahinta kala duwan, kaas oo lagaga been abuurayay xaalada Warshada Sibidhka ee Berbera laguna sheegay in Sulaadiin matalaya Beesha SUBEER AWAL ay go’aan ka gaadheen hirgelinta Warshadaas, taas oo meel ka dhac ku ah nidaamka dawladnimo iyo shuruucda wadankeena u taal.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa:-

In aanay jirin Salaadiin loo xil saaray xal-u-helida arinta wershada sibidhka, mana jirto wax kalsooni ah oo cidi ku siisay hawshaas, anaga waxaa noogu war dambaysay warshada sibidhka iyadoo ay guddida beesha ee Dan iyo Duco Ku wareejisay Madaxweynaha JSL si uu go,aan xukuumadeed uga gaadho .

Kama war qabno mana ogin goorta uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Max’d Max’ud(Silanyo) uu taladii iyo go’aankii warshada sibidhka ku wareejiyay Salaadiinta SUBEER AWAL, warkaas ay Salaadintu sheegeena waa mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Sida dastuurka JSL dhigayo waxaa hantida qaranka iyo khayraadka dalkaba umada wakiil uga ah dawlada, War-saxaafadeedkaasi ay Salaadiintu soo saareen waxa uu Distoorka qaranka iyo dawladnimadeena u horseedi karaa bur bur iyo sharciyad la’aan.

Waxaanu cambaaraynaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay warsaxafadeedkaa aan salka iyo raadka toona lahyn, umadana fidnada iyo khalkhalka ka dhex abuuraya, inagoo ku jirna bisha barakaysan ee ramadaan.

Waxa nasiib daro ah aadna aanu uga xunahay in Suldaankii Guud ee Beesha Subeer Awal Suldan Xasan Suldan C/lahi Suldan C/raxman iyo Suldan Cisman Suldan Cali Kooshin oo ay beeshu aad ugu hanwaynayd, qadarin badna aanu u haynay labadaa Suldaan oo ahaa kuwa hogaaminayay war-saxaafadeedkan marin habawsan ee ay fidmada badani ku gedaaman tahay.

Waxaanu Xukuumada JSL ugu baaqaynaa inay talaabo sharci ah ka qaado cid kasta oo qaanuunka wadanka ku xadgudubta , kana ilaaliso Madax-dhaqameedyada beelaha Somaliland wax ka baxsan shaqadooda, hadii kale waxa berina dhici karta inay Madaxdhaqameedyo isku wada beel ah soo saaraan go’aan ku lidi ah gooni isku taaga Somaliland.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanan kasoo hor jeedin cid kasta (ajanabi iyo muwaadinba) oo maalgashanaysa guud ahaan gobolka saaxil si waafaqsan shuruucda dalka u taala aan deegaankana dhib ku ahayn, talo ahaan waxaanu ku soo jeedinaynaa in sidii horeba xukuumadu Jamhuuriyada Somaliland ugu talisay in la isugu tago hal (1) wershad sibidh oo Ganacsatada Somaliland u dhantahay cidna aan gaar u ahayn si cadaaladana loo wada gaadhsiiyo, Anaga oo ka soo horjeedna in cid gaara loo xidho buuraha sibidhka Berbera shakhsiyaad iyo qabiil toona.

Waxaanu ka war-qabnaa in ay gacmo shisheeye adeegsanayaan sulaadiintan warsaxafadeedka soo saaray.
Wabilaahi Tawfiiq
Suldan Maxamud Suldan Axmed-Sheekh
Suldan Sharif Batun Muxumed
Suldan Sayid Aw Jamac Warsame
Boqor Maxamed Axmed Yasin (Tuulo)
Xil. Sicid Cilmi Rooble
Xil. Sicid Cartan Cisman
Xil. Maxamed Farax Qabile
Xil. Axmed Xasan Aden (Wayso-cade)
Xil. Saleban Garas Seed
Xil. Dayib Xasan Boobe
Xil. Mubarig Maxamed Carab
Xil. Maxamud C/lahi Aden (Bidhidh)
Xil. Yusuf Cali Nuur
Xil. Cabdi Jamac Ducale (Musbar)
Xil. Cawil Cali Sugule
Xil. Jama Cilmi Waabari (Gidhi-gidhi)
Head of Chiefs Axmed Caqil Yare
Chief Caqil Jamac Caare Samatar
Caqil Yusuf Mire Ducaale
Caqil Max’ud C/lahi Faarax
Caqil C/raxman Jama Liban
G/ku xigeen Max’ud X. Aden Guled
Xoghaye C/Rashid Maxamed X. Yusuf
Md. X. Shide X. Diriye Farax
Md. Aden Cali Yonis
Md. Saleban Jama Jibril (Saleban Mijir)
Md. Ibrahim X. Cabdi Cilmi
Md. Abdi Elmi Max’ud(Cabdi Nijaar)
Dr. Idiris X. Nuur Sarmaan
Dr. Axmed Maxamed Dirir
Md Ibrahim Cisman
Md. Khadar Maxamud Gahayr
Md. Max’ud Farax Ducale
Md. Mustafe Axmed C/lahi
Md. Saleban Cawil(Ceerigaabo)
Md. Xamud Xusen C/lahi
Md. Max’ed Aw Adan Wayrax
Md. Maxamed Axmed Xusen (farare)
Md. Max’ud Max’d Cabdale (Dayr)

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)