|
Madaxweyne Shariif oo odayaasha deg. afgooye kala shiray adkeynta nabadgelyada + Sawirro
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Shariif oo odayaasha deg. afgooye kala shiray adkeynta nabadgelyada + Sawirro
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markii saddexaad gaaray degmada Afgooye, kaddib markii dadka degmadaasi ay ka cawdeen tacadiyo ay u geysteen askarta Dowladda ee iyagu halkaasi la wareegay.
Odayaasha iyo waxgaradka degmada Afgooye ayaa markii Madaxweynuhu uu gaaray halkaasi waxay yeesheen kulan gaar ah oo ka dhacay beerta Sheekh Zayed ee ku taala bartamaha degmada, waxayna kala hadleen arrimo dhowr ah sidii uu wax uga qaban lahaa Madaxweynaha.
Arrimaha ugu horeeya uguna waaweyn ee odayaasha degmada Afgooye kala hadleen Madaxweyne Shariif waxaa ka mid ah dhac baahsan oo ciidamada Dowladda ay ka geystaan degmadaasi, nidaamka Dowliga ah oo aan haba yaraatee ka jirin degmada.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa ballanqaaday in Dowladiisu wax ka qabaneyso dhinaca amniga, isla markaana ay wax ka bedeleyso maamulka degmada Afgooye, isagoona ka codsaday inay si wadajir ah iskala shaqeeyaan adkeynta nabadgelyada iyo sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo carqaladeyneysa nabadgelyada.
Madaxweyne Shariif waxaa la socday madax ka tirsan Dowladda iyo Saraakiisha ciidamada kala duwan, gaar ahaan taliyaha ciidamada Booliska, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Beeraha, Taliyaha nabadsugidda, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo madax kale.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee iyagu qaabilsan degmada Afgooye ayaa ku lug yeeshay falalka dhaca ah ee ay ka cabanayaan dadka reer Afgooye, kaddib markii ciidamadii ay hoggaaminayeen lagu helay falal dhac ah oo ay u geysteen dadka degaanka kuwaasi oo maxkamad lagu saarayo dembiyadii ay galeen.




















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|