|
Dumarka Guur doonka ah ee qurbaha ka soo laabanaya oo ku sii qulqulaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho iyo fursadaha la dayacay
Hargeysa Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dumarka Guur doonka ah ee qurbaha ka soo laabanaya oo ku sii qulqulaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho iyo fursadaha la dayacay
Tirada dumarka guur doonka ah ee qurbaha ka soo laabanaya yaa sare u sii kacasay tan iyo wixi ka dambeeyey markii ay dabaysha nabaddu ka ka hilaacday caasimaddii muddada dheer nabadda u haraadanayd waxaana soo jiidashada iyo hilawga baaxadaasi lehi ay ka dhalataywarkan arrimahaasi waxaa qalinka u qaatay Wariyaha Baadiye ee dalka Suudaan Mr Philibin waxaanu sheekadiisa ku bilaabay sidatan.
magaalada muqdisho oo hadda dib u amba qaadeysa waayo ay nabad ay raadineysay ayaa waxaa dib loo helay in ragga iyo hablaha guur doonka ah wada hadlaan wado iyo meel ku haboon intuba Markii ay xamar kusugnaayeen Shabaab iska dhaafe in gabdho iyo wiilal wada socdaane waxaa yareyd in ay isa so eegaan waliba taaso karbaash loogu badali jiray hadii la arko iyadoo kursiga gaariga wada fadhiistaan wiil iyo gabar xitaa walaalo ha ahaadaane.
Hadda muqdisho kama jiraan iskala sooc waxaa lagu arkayaa hablo dada 20 sano jirada ah ku jira iyo ragg aan filkooda ku qiyaasay ilaa 40 meeyo oo darjiimada xaafadaha ku haasaawaya ,kuwa si lugo baxsi ah ku maraya wadooyinka iyo qaar kaloo taagan wadooyinka jiirdooyinka kuyaalla waliba halkas kuwada baashaalayo oo ku wada hadlayaan.
Inkastoo gabdhaha muqdisho ay 60% hadda yihiin kuwa guur doon ah hadana waxaa adag nin ka faaiideysta fursadaasi sababo la xiriira in lagu xujeeyo qarash badan iyo shaqo laaan weli magaalada meelo ka mid ah ka jirta;Guurka lagu xusho lacagta oo dadka mucaashaqiinta dhowr jeer looga digay inay ku fududaadaan ayaa hadana marka aad wadada dhinac ka mareyso arkeysaa inan dadeedu ka yar tahay 20 jir misana meeshii aad la hadli lahayd iyada hadal kula soo doonaneysa waana astaan ka mid ah gabdhaha muqdisho dhaqankooda cusub oo ay laso baxeen wayahan.
Bisha Ramadaanka oo 11-keedii hore aan ku guda jirno ayaa waxa sii kordhaya Aroosyada muqdisho ka dhacaya iyadoo gabdhaha la aroosayo ay yihiin 5% halka 95% ay weli guur doon yihiin dadkii ka faa'iideysan lahaana malaha ma joogaan?
Wariye axmed maxamud shekh
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|