|
Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta oo Muqdisho saacadaha soo socda ku soo fool leh
Mogadishu Talaado 31 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta oo Muqdisho saacadaha soo socda ku soo fool leh
Wararka ka soo baxaya Xafiiska warfaafinta jaamacada Carabta ayaa lagu shaaciyay in xoghayaha guud ee jaamacada Nabiil al-Carabi uu booqon doono caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Booqashadaani oo noqon doonta tii ugu horeysay ee Mas'uulka ugu sareeya jaamacada Carabta uu ku imaado Muqdisho iyo tmarkii ay dhacday xukuumadii dhexe ayaa la sheegay inay dhici doonto bisha Oktoober ee sanadkaani taasoo oo ay naga xigto 2 bilood.
War-murtiyeed ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu xusay in booqashada Nabiil al-Carabi ay salka ku heyso sidii ay u taageeri lahaayeen daddaallada uu wado madaxweyne Shariif si loo gaaro yoolka la higsanayo ee ah dib u heshiisiin guud oo Soomaaliya ka dhaqan gala.
Warka ayaa intaasi ku daraya go'aanka jaamacada carabta ay ku soo booqanayaan Muqdisho uu yimid kadib markii dhawaan la taliyaha madaxweynaha ee dhanka jaamacada Carabta uu la kulmay Nabiil al-Carabi islamarkaana uu gaarsiiyay qoraak uu ka siday madaxweynaha soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|