Somali News
    Hees  

Ciidamada Nabadsugidda oo saakay howlgallo ka wada inta u dhaxeysa Garsbaalleey iyo Ceelasha-biyaha

Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Ciidamada Nabadsugidda oo saakay howlgallo ka wada inta u dhaxeysa Garsbaalleey iyo Ceelasha-biyaha

Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ayaa saakay howlgallo lagu sugaayo Nabadgalyadda, isla markaasna loogaga saaraayo haraadiga kooxdda al Shabaab ka wadda inta u dhaxeysa garasbaaleey ilaa deegaanadda loo barakacay ee ceelasha biyaha.

Howlgalkan oo ay ciidamadu si saf balarann ah uga wadaan degaannadaasi ayaa sidoo kale ciidamadu mid mid u baarayaan guryaha ku yaala deegaannadaasi iyadoo la tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan halkaasi malleeshiyaadii kooxdda shabaabka ee horay uga cararay deegaankasi balse si dhuumaaleysi ah mararka qaarkood u soo istagga wadadda hareeraheedda iyagoo isku soo ekeysiinaya ciidamadda dawlada halkasina si fulaybimo ah xabaddo aanan loo meeldayid dadka shacbiga ah ugu fura, dabadedna carara.

Taliyaha ciidamada Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa u sheegay saxaafadda in howlgalkani uu yahay mid lagu adkeeynayo ammaanka deegaannadaasi, isla markaanna ay soo bandhigi doonaan natiijada howlgalkaasi iyo wixii ka soo baxxa saacadaha soo socdda xiliga uu soo gabagabooba.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada nabadsugiddu ay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, isagoo xusay in ciidamadu ay habeen iyo maalinba ka howlgalaan isgoysyada magaaladda magaaladda Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)