|
R/wasaaraha Soomaaliya & wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga oo shir jaraa'id qabtay (SAWIRRO)
Roma Talaado 3 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

R/wasaaraha Soomaaliya & wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga oo shir jaraa'id qabtay (SAWIRRO)
R/wasaaraha Soomaaliya Prof C/weli Cali gaas & wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Giulino Terzi ayaa si wadajir ah shir jaraa'id ugu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Talyaaniga, halkaasoo shalay uu ka furmay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah & darafyadda Soomaalida.
Labadda mas'uul ayaa marka hore ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay shalay ilaa maanta, waxaana R/wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageeradeeda ay mar walba Soomaaliya siiso, taasina ay tahay mid muujineysa xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhexeeya, wuxuuna tilmaamay in muddooyinkii ugu dambeeyey dowladda Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka gaartay kooxda uu ku tilmaamay nabad-diid ee Alshabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogaga AMISOM in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan gobolo ku yaala bartamaha & K/Soomaaliya.
Prof. C/weli wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya & shacabkeedu in ay wajahayaan marxalad cusub, oo la filayo in dhowaan odayaasha dhaqanku soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka, kadibna xildhibaanadu dooran doonaan madaxweyne, wuxuuna ku celiyey in rajada ku saabsan in Soomaaliya soo ceshato Qaranimadeedii ay mareyso meel fiican oo xilligan ay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho martigelineyso dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah oo dib ugu soo laabanaya dalkooda.
"Dowladda Soomaaliya waxey ku guuleysatay in horay u dhaqaajiso, meel wanaagsanna gaarsiiso habka wadahaladda, ayna dhiirageliso sidii shacabku u heli lahaa xornimo, nabadgelyo" ayuu yiri R/wasaare C/weli gaas.
Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga wuxuu xusay in dowladiisu Soomaaliya ku bixisay mashaariic kala duwan, wuxuuna sheegay in ay ku baxday lacag ka badan 2 Milyan Euro, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ka caawinayaa dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada.
"11-Milyan ayaan ku bixinay si loo soo nooleeyo dib u dhiska, caafimaadka, lagana hirgeliyo deegaanada ay biyo laàaantu ka jirto ceelal, waxaana dowladda Talyaaniga ay tababar u furi doontaa 200 oo boolis Soomaaliyeed ah" Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Talyaanigaa.
Shirkaan Jiraa'id ayaa qabsoomay xilli loo fadhiyo Warmurtiyeed la filayo in laga soo wada saaro Shirka Maalintiisa labaad socda ee Kooxda Xiriirka Caalamiga (International Contact Group) ICG iyo Darafyada Soomaalida.







W/Q C/shakuur & Saalah Dheere
Roma-Italia.
s.dheere@hotmail.com
cabdishakuur48@yahoo.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|