Somali News
    Hees  

SHEEKH AXMED MADOOBE: " Kismaayo waxaanu qabsaneynaa iyadoo uusan dhiig badan ku daadan"

Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

SHEEKH AXMED MADOOBE: " Kismaayo waxaanu qabsaneynaa iyadoo uusan dhiig badan ku daadan"

Madaxa Xarakada Islaamiga ee Raas-kambooni oo ka dagaalanta gobollada Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raas-kambooni iyo militariga Kenya ay hadda ku jiraan diyaar-garow ballaaran kii ugu dambeyay oo ay ku doonayaan inay ku weeraraan goobaha ay ka taliyaan Malayshiyada Kooxda Al-shabaab oo gabalkoodu uu ka sii dhacayo gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in duullaankooda uu ku wajahan yahay magaalooyinka Kismaayo, Bu'aale iyo Jilib, wuxuuna xusay inay rajeynayaan in magaalooyinkaasi ay la wareegaan waqti dhow iyadoo uusan dhiig badan ku daadan.

Masuulkani ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay haatan ku suganyihiin meel qiyaastii 100 KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, dhawaanna ay u dhaqaaqi doonaan dhanka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Hogaamiyaha kooxda Islaamiga ee Raaskaambooni oo ka jawaabayay su'aal ahayd sida uu u arko shir ay soo qabanqaabiyeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlayay maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo, ayuu sheegay in shirkaasi uu yahay mid haatan bilow ah oo dadka isla dhashay ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay ku dhisanayaan maamul ay ku mideysanyihiin, wuxuuna xusay in lagama maarmaan ay tahay in maamul loo dhiso gobolladaasi marka laga saaro Al-shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli masuuliyiin u hadashay dowladda Kenya ay shaaca ka qaadeen in ay dardar gelin doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)