Somali News
    Hees  

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Örebro oo si weyn ugu dabaaldagtay xusay 1-da Luulyo

Örebro Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

JAALIYADDA SOOMALIYEED EE MAGAALADA ÖREBRO OO SI WEYN UGU DABAALDAGAY XUSKA  1-DA LUULYO.

Xaflad ballaaran oo loogu dabaaldagayay  52 guuradii kasoo wareegatay 1:da Luulyo oo ku beegan markii ay xoriyadda qaateen gobalada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowgii labadii gobal ee Soomaaliya ay kala gumaysan jireen ingiriiska iyo talyaaniga ayaa ka dhacday magaalada Örebro ee bartamaha dalka Sweden .

Munaasabaddaan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee Dugsiga Vivalla ”Vivalla Skolan” oo ku yaalla xaafadda Soomaalidu ay ugu badantahay ee magaalada Örebro. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed oo ay isaga soo kala soo kala hayaameen degmooyinka iyo tuulooyinka hoostaga gobolka Örebro Län, si ay uga qayb qaataan maalintaan weyn ee mudnaanta iyo maamuuskaba leh.

Ugu horentii waxaa xafladda furay Farxaan oo ahaa xiriiriyaha barnaamijka isla markaana ka mid ahaa dhallinyaradii soo qaban qaabiyay xafladda ayaa dadkii munaasabadda isugu yimid uga sheekeyay qaabka ay ku qabsoontay xafladda iyo muhiimadda ay leedahay xusidda iyo weyneynta maalintaan 1:da LUULYO, waxuuna microfoonka ku wareejiyay Aweys Shiikhow oo ku furay ayado Qur'aanka kariimka ah.

Ugu horeenti waxa lagu furay Aayado Quraanka Kariimka iyo wacdi uu soo jeediyay Awees Sheekhow,waxa kadib lagu soo dhaweeyay Guddomiye ku xigeenka Ururka Afrisom Xaliima Cali Siyaad,Mudane Yuusuf Cabdo oo xubin ka ah Golaha Dagaanka,Dr,Faduma Sabti iyo Oday Bashiir.

Waxaa markiiba la guda galay barnaamijka munaasabadda. Waxaa madasha qudbado wax ku ool ah ka jeediyay aqoon ayan iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Marwo Xaliimo Siyaad oo ah guddoome ku xigeenka Jaaliyadda AHKC, siyaasiga soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka degmada Örebro Mudane Yuusuf Cabdow, Xarbi Caamir, Drs Faadumo Sabtiile iyo Bashiir oo ah qoraa’ kana warramay halgankii gobonimo doonka.

Waxaa xusid mudan waxgarad iyo aqoonyan aad u tiro badan oo munaasabadda ka soo qaybgalay. Waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo qayb galay ayaa oo ay ka mid ahaayeen Samiir, Sheykh Amiir, Baashe, Moonye, Guuleed Khadar, Khadiijo Raage, Canab, Cadar, Maryan Carriif iyo kuwo kale oo badan.

Munaasabaddaani oo si qurux badan u dhacday ayaa run ahaantii la wada qiray in ay tahay mid si heer sare ah loo soo diyaariyay, waxaana lagu soo bandhigay heeso ay qaadayeen fannaaniinta kala ah Deeq Dheeg iyo Keyse Koofirow, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, majaajillado ka hadlaya xaaladda Soomaaliya iyo maanta, waxaana lagu qiimeeyay xafladdii 1:da Luulyo ee ugu weyneyd oo laga xuso magaalada Örebro ee bartamaha Iswiidhan.

Gebagabadii barnaamijka ayaa waxaa soo gunaanuday Cabdifataax Baanacaymuun oo ku hadlayay magaca jaaliyadda Afrikas Horn Kultur Center, isagoona u mahad celiyay guud ahaan dadkii ka soo qaybqaatay abaabulka iyo soo diyaarinta xafladda. Cabdifataax Baanacaymuun ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay una mahadceliyay dhallinyaradii ay ka mid ahaayeen Abubakar, Cabdifataax Warsame, Cabdinaasir, Dahir iyo Naciimo oo waqtigooda iyo xooggooduba u huray qabsoomidda munaasabadda maalintaan weyn.

Munaasabaddaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magalada Örebro, dhallinyarada iyo haweenka magaalada oo si hagar la’aan ah usoo diyaariyay isugana soo duba riday.

Waxaa diyaariyay:

Hassan Osman iyo Xaamid Yare

Örebro, Sweden

Ali Abokalr aliabokar@hotmail.com















Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)